MA WAX TARBAA MISE WAA WAXYEELO Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe Qormadii 6aad

Waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.

Qormadii 6aad

Mar baa xiliyo maamuus
Magac lagugu xeeraa
Xariir lagugu daahaa, adduunyooy
Mar baa xuubka gerigiyo
Talo lagaa xayuubshaa
Xurmo beel ahaatayoo, xumaataa
Wakhtigay is xereyoo, aduunyooy
Mar baa sharafku xaydmaa , aduunyooy
Ninkii laga xishoon jiray
Aan cidi ba xaalayn,

Ninkii laga xishoon jiray

aan cidi ka xadhig xidhan
Adduunyooy xaalkaa ba’

(Alle na xariistii jano haka waraabiyo waa sayid maxamed mooge liibaan iyo heestii Aduunyo)

Waa wax laga duceysto xil laguu igmadey inaad ku kala soocdo shaqaale siman oo isku meel ka howl gala bal aynu usoo noqono xiligii waayo tagey oo aan wasaarada warfaafinta iyo wacyigalinta ka howl galijirey waxaan ugu imi runtii shaqaale mudo ka shaqeynaayey iyo shaqaale mudo yar iga soo horeeyey runtii waa meeshii ugu horeysey ee aan 2003 ka howl galey iiguna horeysey shaqo aan ka bilaabo somaliland ama shaqadii iigu horeysey ee aan bilaabey oo gaadhayey ilaa 300 shaqaale ah waxaana isoo jiidatey hab dhaqankii iyo anoo dareemay in shaqaalaa wasaarada warfaafinta iyo wacyigalintu ay iskaga dhow yihiin shaqaalaha wasaaradaa kale oo ay is ogaayeen ,is ka warhayeen ,meel waxku wada cunaayeen ama ay is xaal ogaayeen.taasi waa tii igu nagaeysey inaan markaan jaamacadeyda qeybtii hore soo qaatey inaan kal gacal iyo walaaltinimo iyo muxubo iyo kal gacal kula shaqeeyo ilaa aan nasiib u yeeshey inaan noqdo shaqaalii ugu horeeyey ee 2005 ka howlgaley SLNTV tvga qaranka somaliland halkaana ay ana shaqaale kale sidaan u imi iigu yimaadaan walow aan wax yar joogey ilaa shaqaalahaa iigu yimi ay la qabsadeen sifihii wacnaa ee aan amba ugu imi waxba ku sii fogaanmaayo Macalimiintaydii ,asxaabteydii ,walaalihii aan ugu imi iyo kuwii iigu yimi iyo intii iga dambeysey ee aanu wada shaqeyneyba waxay iga mudanyiin wanaag iyo xasuus gaara .

Intaa hadii aan idiin dulmarey usoo noqo taxanehiinii iyo maamulkan ku caanbaxay xumaanta ,qabyaalada,isku dirka iyo wax aanan islaheyn wasaarada waa ku soo kordhayaan oo maanta anuu hadaan joogilahaa malaa shaqa dambe maan u doonteen xukuumadan iyo mid soo socota goobtaana ma aan xataa xasuusteen . Shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ee ka howl-gala qaybaha kala duwan, ayaa maray imtixaankii qiimaynta hay’ada shaqaalaha ku kala saartay shaqaale-weynaha hay’adaha Dawladda qaarkood. Sidaa darteed, intii ka dambaysay Qiimayntii shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelintu waxa wasaaradda ku soo biiray shaqaale tiradoodu ku dhowdahay kala badh howladeenadda guud ee ka howl-gala qaybahaa wasaaradu ka koobantahay. Marka ay noqoto shaqo-fulinta hawlaha waaxyaha wasaaraddu ka kooban tahay, waxa ay hawsha baaxaddeedu ku dhacdaa shaqaale tiro-yar, isla markaanna ah shaqaalaha ugu daryeelka liita oo aan qaadan wax gunno.

Waxa kale oo Wasaaradda Warfaafinta ku mushahar qaata dad sida la sheegay wasaaradda ugu qoran dhinaca ilaalinta amniga iyo xuuraanka ama basaasida balse aan ka tirsanayn Ciidanka ilaalada u ah Wasaaradda. Dadkan waxa yimaadaan ama wasaaradda lagu arkaa oo qudha marka uu mushaharkoodu yimaaddo oo si gaar ah loogu soo Qaado Shaqaalaha guud ahaan wasaaradda ka hawl-gala qaybaheeda kala duwan ayaa inta ugu badani shaqadda ay qabtaan tahay inay Diiwaanka xaadirinta shaqaalaha oo subaxa hore la saxeexo, iyada oo qofka shaqaalaha ah ee aan buugga saxeexin marka bishu dhammaato lagu ganaaxo loo xisaabiyo inta maalmood ee aanu buuga saxeexeen, ganaax ahaanna looga jaro, maadaama ay xisaabsan tahay inuu shaqada ka maqan yahay haddii aanu saxeexin Diiwaankaas.

Shaqaalaha farsamada ee Radio Hargeysa qaybta ka howl-gasha War-Laliska, ayaan iyaguna helin daryeelkii ay sharciyan ugu lahaayeen Masuuliyiinta Wasaaradda oo ah in Qof kasta oo ku jira Xilli kasta oo baahineed la siiyo Hal Litir oo Caano lo’aad ah, taasi oo ka difaacadda RF-ta ay sii daayaan War-laliyaasha oo ah shucaac halis ah oo waxyeello u geysanaya qofka caafimaadkiisa, taasi oo aanu shaqaalahaasi helin kuna jirta miisaniyadda wasaaradda.

Qaybta Mishiinnada Dabka Dhaliya ee Wasaaradda Warfaafinta, waxa ka hawl-gala farsamo-yaqaano shaqada u gala Shift-yo kala duwan, kuwaas oo la socda isla markaana ilaaliyo xaaladda mishiinnada muddada ay idaacadda iyo telefishanku hawada ku jiraan.

Waxaa isweydiinle guno ayaa shaqaalahan la siin waayee ma waxay helayaan daryeelkii kale ee ay ubaahnayeen si ay sunta iskaga xejiyaan ama jidhkoodu iskaga difaaco waa maya arintaasi waayo agaasimaha waaxda farsamadu Axmed saleebaan wayne oo aan laheyn aqoon uu ku garto culeyska shaqaalahaa saaran ayaa hadana isagu ku sii darey oo uu bilaabay inuu shaqaalahaa dhibtu wada saarantey soo kala dhaweysto. Waxa uu sameeyey oo uu magacaabey madaxa Taraasmitirka idacada, madaxa Taraasmitirka Tvga SLNTV iyo madaxa mashiinada oo uu dhamaan u magacaabey reerkiisa waa mid subxaanale dowladii hore ee riyaale waxa laga ga ladnaan kala qaybinta shaqaale siman ama ka dhex abuurida xumaan iyo qabyaalad.

 

LASOCO…………….

Liibaan