Isbedelada Geeska Africa Iyo Saameynta Ay Somaliland K u Yeelan Karaan. W/Q: Fouad Abdisalam

Salaamu Laahi Caleykum

Sida Aynu La Wada Socono Somaliland Waa Dal Curdin Ah Oo Muddo 21 Sano Ah La Daalaa Dhacayey Dhisida Iyo Taagida Qaran Dhameystiran Oo Kama Danbeysta Hela Ictiraaf Caalami Ah Se Madaama Ay Somaliland Ku Taal Mandqada Gees Afrika Oo Lagu Tiriyo Meel Ay Saameyn Badan Ku Leeyihiin Isbedelada Kala Duwan Ee Caalamka Ka Socda Ayaa Mar Walba Waxey Saameyn Togan Iyo Mid Taban Ku Yeeshaan Geedi Socodka Iyo Hanaanka Aan Cagaha Adag Ku Taagneyn Ee Somaliland Ka Hano Qaadey.

Isbedelada Geeska Afrika Ka Taagan Wakhtigan Waxaa U Kala Qaadeynaa Labo Qeybood .

1. Dowlada Cusub Ee Somaliya Loo Dhisayo .

Wadanka Somaliya Oo Ay Ka Jirtey Dowlada Ku Meel Gaadh Ah Ayaa Hada Waxaa loo Fadhiyaa Sidii Loo Sameyn Lahaa Dowlada Aan Ku Meel Gaadh Aheyn Oo Leh Awood Balaadhan Taas oo Noqoneysa Mid Leh Awoodo Dhameystiran Oo Dowladanimo Beesha Caalamkuna Ula Dhaqmeyso Si Buuxdaa , Waxa Sideynu La Soconey Dowlada Ku Meel Gaadhka Ah Ee Hada Xukunkeedii Dhamaadey Iyo Somaliland Dhex Marey Wada Hadal Iyo Heshiisho Badankoodu Dib Loogu Dhigey Ka Bixitaan Xilliga Ku Meel Gaadhka Ah Somaliya, Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Dhex Marey Ayaa La Odhan Karaa Waxey Albaab Cusub u  Fureen Sidii Labada Dhinac Goaamo U Wada Qaadan Laheyn Iyo Masiirka Danbe Ee Labada Dal.

Hadaba , Dowlada Cusub Ee Somaliya Ka Dhalan Doonta Maxaa Laga Fili Karaa Se Saameyn Intee Leeg Ayey Qadiyada Somaliland Ku Yeelan Karaan ? Waxaa Jirta Doorasho Loogu Jiro Madaxweynenimada Somaliya Oo Murashaxiin Badan u Tartamayaa Iyadoo Habka Doorashadu u Dhaceyso Yahey Mid Xubnaha Barlamanku Codeynayaan  Iyadoo Si Cad Habka Doorashadu Ku Qotanto Hab Qabili Ah Oo Beelo Beelo La Isku Xulafeysanayo , Waxaase La Tilmaamayaa In Murashaxiinta Tartamaya Raga Ugu Cad Cad Ay Ka Mid Yihiin Madaxweynaha Hada Sheekh Sharif Sh. Ahmed , Raiisal Wasaare Dr Abdi wali Gaas , Gudoomiyihii Hore Barlamaanka Sharif  Hassan Iyadoo Dadka Odoroso Ama Faaleeya Siyaasada Somaliya Ay Farta Ku Fiiqayaan Soo Noqoshada Madaxweyney Sheekh Shariif  Hadey Taasi Dhacdana La Odhan Waa Mid Hawlihii Hore u Socdey Halkoodi Hore Laga Sii Wadayo Hadey Wada Hadala Aheyd Iyo Xidhiidhadii Kale , Se Waxaa Iyana Meesha Taal Saameynta Balaadhan Ee Ay Yeelan Karaan Hadii Siyaasi Ka Soo Jeeda Puntland Uu Ku Soo Baxo Kursida Madaxweynaha Somaliya  Iyadoo Marka Laga Tago Saameynta Siyaasi Laga Yaabo In Si Toos Ah Qadiyada Somaliland Dowlada Somaliya Ku Sameysto Faro Galin Mudada Ay Jirto .

Marka La Isku Soo Ururiyo Wajiga Cusub ee Ka Soo Fool Leh Siyaasada Somaliya Waxaa uu Saameyn Intey Doonto Ha Leekaatee Ku Yeelan Karaan Qadiyada Somaliland Iyadoo Dhabna Ay Tahey In Dowlada Somaliya Ka Dhalan Doonta Ay Awoodo Balaadhan Ku Yeelan Karto Siyaasadaha Arrimaha Dibada Madaama Dalka Gudihiisa Hada Ay Dowladu Isku Balaadhisey Awoodna Ku Leedahey , Waxaase Isweydiin Mudan Ma Jirtaa Siyaasada Cad oo Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Ugu Talo Gashey Isbedelka Somaliya Ka Jira Mise Somalidu Waxey Ku Odhan Jirtey Bidaari Sibiq Bey Kugu Gashaaye Waxey Inagu Noqon Doontaa Mid Aynu Ku Soo Baraarugno Uun !! Bal Weynu Arki .

2. Geeridii Raiisal Wasaaraha Ethiopia Meles Zenewi

Dhawaan Waxaan Geeriyoodey Raiisal Wasaarihii Ethiopia Ato Meles Zenawi Oo Xukunka Dalka Hayey Mudo 21 Sano Ah Iyadoo Uu Ahaa Shakhsiyada Saameyn Balaadhan ku Leh Guud Ahaan Qaarada Afrika Gaar Ahaan Geeska Afrika , Iyadoo Danta Ethiopia Wajiyo Badneyd Ayaa Hadana Meles Zenawi Waxaa uu Ahaa Isaga Iyo Maamulkiisu Mid Xidhiidh Wanagsan La Leh Xukuumadihii Somaliland Ee Kala Danbeeyey , Dabcan Labada Dhinac Waxaa Ka Dhaxeeyey Maslaxado Kala Duwan Oo Xuduud Wadaaguna Muhiim Ka Ahaa Hadaba Waxaa Muuqatey In Meles Zenawi U Ahaa Udub Dhaxaadka Xidhiidhkaas Si Gaar Ahna Arrimaha Somalida Oo Dhan Ula Socon Jirey , Geeridiisa Ka Dib Waxaa Xukunkii Qabsadey Ku Xigeenkisii Oo La Odhan Karo Nin Ku Siyaasada Dhaw Ayuu Ahaa Meles Zenawi . Waxaase Cad In Ka Bixitaanka Meles Zenawi Talada Dalka Uu Isbedel Ku Imanayo Ha Dheeraato Ama Ha Dhawaatee Xidhiidhka Somaliland Iyo Ethiopia Kaas Oo Noqon Kara Mid Hadii Maamulka Ethiopia Maslaxado Badan Oo Somaliland Ka Laheyd Ka Dhex Weydey Ay Caqabado Badan ku Noqon Karto Geedi Socodka Qadiyada Somaliland .

Waxaa Farta Lagu Fiiqayaa Hadii Dowlada Awood Leh Oo Cagaheeda Isku Taagta Ay Somaliya Ka Dhalato  Oo Ay Ethiopiana Danaheeda Ka Dhex Aragto Ay Wiiqmi Karto Xidhiidhka Diplomasiyadeed Ee Somaliland La Lahaano Karto Somaliland Raisal Wasaaraha Cusub ee Ethiopian Aheyn Mid Laga Filayo Sidii Meles Zenawi Isku Heyn Kara Dhinacyada Kala Duwan Ee Geeska Afrika Ku Jira .

Guntii Iyo Gabogabadii , Somaliland Waa Dal Aan Saameyn Balaadhan Ku Laheyn Hanaan Socodka Siyaasadeed Ee Geeska Afrika Inta Badan Ahmiyad Badana Aan Siinin Walow Awoododu Halkas Dhigtey Hadana Taa Bedelkeedii Waa Wadan Mandaqada Ku Yaal Oo Wanaag Iyo Xumaan La Wadaagaya Wadamada Kale Ee Ku Hareereysan Xuduud Wadaagana Ay Yihiin , Waxaase Talo Ahaan Ku Soo Jeedin Lahaa In Fiiro Dheer Ay Xukuumada Gaar Ahaan Wasaarada Arrimaha Dibadu U Lahaato Isbelada Sida Mawjadaha Oo Kale Ah Ee Geeska Afrika Ka Socdo Oo Aan Gacmaha Laga Laaban Sidoo Kale Lug Lagu Lahaado Hab Kasta Oo Maslaxad Iyo Dani Ugu Jirto Qaranka Somaliland Oo Aan La Sugin Uun Intey Wax Walba Dhacayaan Oo Ay Biyuhu Gurigaaga Kugu Soo Galayaan .

Waad Mahadsantihiin

 Fouad Abdisalam Hassan

National04@hotmail.com