HORUMARI HANNAANKA FEKERKA!

 

Tan iyo waagii la abuuray goor iyo ayaan ba, aadanuhu wuxuu ku jiraa halgan uu tayada noloshiisa ku hagaajinayo. Qalab hor leh ayuu alkumaa; xag gaadiid iyo xag hoy ba, mar walba wuxuu maamiyaa tabo cusub oo uu kaga saayid caleeyo dhibaha dabeecadda, isla markaana uu dheefteeda kaga faa’idaysan karo. Aragtiyo ugub ah ayuu miiska soo saaraa si. Waxa uu soo saaraa xilliyada kala duwan kolba hu’ga ku habboon ee qabaw iyo kulaylba uu kaga gaashaaman karo. Sidoo kale, wuxuu aadanuhu wax ka beddelaa hannaanka fekerkiisa. Kolkii amin la joogo ba wuxuu soo rogaa, habab kuwii hore ka duwan oo dareenkiisa hoose uu ku muujin karo. Waxa is beddela hababka wax loo qoro, hababka loo maansoodo, hababka loo ciyaaro iyo hababka loo dagaallamo. Taasi markay dhacdo na waxay saamaysaa jiilka waagaas nool. Soomaalidu waxay ka mid tahay qoomiyadaha uu gedgeddoonka noloshu ku yeeshay saamayn togan iyo tu taban labadaba. Waxay muddo dheer la daalaa-dhacayeen colaado sokeeye, aafooyin dabiici ah iyo abaaro marar badan ku habsaday geyigooda.

Waxa is beddelay hannaanka fekerka iyo sida ay u xalliyaan dhibaatooyinka maalin laha ah ee soo waajaha. Tusaale ahaan, isku mid maaha sidii Soomalidii hore u noolaayeen iyo kuwa maanta jiraa siday u noolyihiin. Sida la ogyahay labada hab-nololeed way kala anshi duwan yihiin. Muran badan iyo firfircooni xadh-dhaaf ah ayaa lagu xaman jiray Soomaalidii hore, halka kuwan maanta ay isku jalbeebiyaan deggenaan wax u fiirsi badan iyo feker aamusan. Soomaalidii hore waxa sidoo kale lagu tilmaami jiray dhidif iyo gacanta oo ka soo horreysa. Kol walba dirir bay u toog hayeen, waxay na ku maahmaahi jireen: Dagaal gondahaaga ayuu ka dhashaa, halka kuwan maanta lagu sheego nabad jacayl iyo dulqaad badan. Hawlaha ugu waaweyn ee adduunka haatan lagu dedaalay waxa ka mid ah kobcinta iyo korinta garaadka dhallinta si door muuqda ay uga ciyaaraan taxaddiyada maalinlaha ah ee soo waajaha guud ahaan caalamka gaar ahaanna waddamadooda. Soomaalilaan waxay ka mid tahay waddamada aan guusha la taaban karo ka gaadhin korinta garaadka dhallinyarada – dawladihii soo marayna kumay bixin maal iyo mood midnaba. Waxa ay weydiintu tahay: Ma garanayaan sida carqaladdan loo waajaho iyo xal kama danbays ah? Halcelinta yagaan u dhaafayaa, balse waxaan tilmaami doonaa habka ugu fudud ee looga midho dhallin karo qaddiyaddaas.

Sida lagu male weyn yahay saynisyahannadu waa kuwa doorka ugu weyn ka ciyaaray horumarka caalamka. Sababta taas keentayna waa hannaanka waxbarasho ee ay heleen oo ahaa mid tayaysan. Taa macnaheedu waa Soomaalilaan waxay u baahan tahay waxbarasho tayaysan oo la jaan-qaadda tan lagu dhigto caalamka. Feker ahaan waxaan aaminsanahay in kobcinta garaadka aadamaha ay ka timaaddo waxbarashada oo si dhab ah looga midho dhaliyo. Soo saaridda arday isku darsaday xirfad, aqoon, iyo saamayn togan oo uu ku yeesho waddankiisa waa mid sal u ah waxbarashada caalamka1. Kolka aan leennahay saamayn togan waxaan u jeednaa  ardaygii oo la qiimaynayo hab fekerkiisa, habka uu u fekerayo iyo dabcan waxa uu xiiseeyo.

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”
dalxaauthor@gmail.com

RAAD-RAACA
Bloom’s taxonomy – 1994;   Krathwohl – 1956