GASHI (Gabay) – W/T: Prof Axmed Yuusuf Cali

Prof Axmed Yuusuf CaliGabaygan loogu wan-qalay GASHI, waxa curiyey maskaxdiisana uu ka soo maaxday Hal-abuurka Da’da yar Prof Axmed Yuusuf Cali shalay oo taariikhdu ahayd 02/12/2013. Waxa uu Gabaygiisa ku hoga-tusaaleynayaa Qiimaha iyo muhiimadda isku-tiirsanaanta iyo ka-shaqaynta danta guud u leedahay dhismaha qaranimada. Hal-abuurku waxa uu Tixdiisan ku ibo-furayaa tilmaamo uu aragtidiisa ku iftiiminayo xaaladda waddanka ee wakhtigan iyo duruufaha saamaynta taban ku reebay dhismaha dawladnimada.

Hal-abuurku waxa uu hoga-tusaaleynayaa sida aanay u habboonayn in nidaamka maamul ee dalka looga faa’idaysan karaamada xilka iyo masuuliyadda umadda loo hayo, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in laga faa’idaysto qiimaha ku duugan midnimada iyo ka-shaqaynta danta Guud.

Hal-abuur Axmed Yuusuf Cali, waxa uu Gabaygiisa ku bilaabay sidan:

Gabaygaan Gaawaha U culay, ee Gama’a ii diiday; 
Runta Kama Gabbado goortay eegtahay Inaan Gardaadshaa;
Gadda hore Bismilaahi idhi, godol horaantii;
Guuguulaha Dhawaaqii gingimay, Galawga yeedhaaya;
Guduudanaha hanti Ma-gafsadaha, gorof la-meerkiisa;
Gofanaha guntiga gaabsadee, gundhi u heensaystay;
Gor-gorkiyo Gafuur-yuubka ka-daran, godadle Maydhaanka;

Is-gamaarintaa kii Yaxaas, Inala Gaadaayo;
Goriilaha Xisbiyada gilgilay, garab hal-dhaalaynta;
Laan-garabta goondhabo bidaha, midhif Gabaarayda;
Garbiyada lammaan Siilaanyadaa, gabi dhaclaynaysa;
Dar la gaadiidsaday mar hore, gocasho reenkooda; 
Shinka galay shirwaynaha gayaxan Ufiyo gaydha fooraha; 
Goobada Abeesadu fashee soo il-galaclaysay;
Soongurka Maraboobsaday, gadaal gocondha-duubkiisa;
Golihii La Doortoo  Guraca Lagu Gorfaynaayo;

Guurtida baryahaaba gama’sanayd, gooli cilinkeeda;
Gar-darrada Is-wada gaadhayee, gacan la siinaayo; 
Gulufkiyo Wargaysyada la gigay, mirasho guuraynta;
Gumacyada Kaahin lala beegsadee, Qabile soo gaadhay;
Goolaaftankaa Faysal galabsanee, Lagu giriifaayo;

Guul-wadaha Caqligu goofka yahay, ganaf ku-qaadkiisa;
Gabdhihiyo Ooryahaa gorodda Isla galay, gees Ku lalintooda 
Maggeydada gantada kii la dayay, godod lameerkiisa;
Go’aa nabadda haddaan lagu ladayn, waa gantaal Culuse;
Gurgur-shaagaan alaabada ku raray, xadhiggiyo goyntiisa;
Guud-caddaaga Qabiilada gandhabay, ee gawska dhaafsaday;
Hawsha guud Kii ka doorbiday, tiisa gaarka ah;
Goortii xaq lagu giijiyee, lagu gulaameeyo;
Gabboodsiga qabiil iyo markuu, soo gujiyo reer;
Oo loo gurxamo good iyo Abguri, gudub la meeraayo;
Oon loo garaad-celinahayn, saw gunnimo maaha.

 

***                        ***                        ***

Golihii la doortoo guraca lagu gorfaynaayo;
Oon Galdaloolada Dastuurkaba, lagu Gufaynaynin;
Sargooyada Sharciga, jaamihii la galuubaayo;
Oo gomodaha middaad gali tidhaa, ganafsi diidaynin;
Haddaan Intoo loo gurmado, laysna garab taagin;
Oo ganacsatada xeer goobahayn, geeddi-wadareed;
Gaf ninkii sameeyaba, hadaan lagu ganaaxaynin;
Guluf iyo tolaay haddaan, laga Gu’ roonaanin; 
Gallad iyo waxaad gaadh lahayd, haw fadhiyin Guul.

 

***                        ***                        ***

Caqli guuna gashiimada hantida, gabi ahaanteen;
Gaashaan-qaadka xooggiisa garan, Lagu gadaamaynin;
Oon gurasho loo gurin tacab, loo gad baxahaynin;
Gacmahana intoo lays wada qabsado, aan mid loo gu’in;
Oo Gundhig Tawxiidku noqon, Calanka Guudkeenna; 
Oon Warshado laysla guulahayn, loo gudboon yahay;
Miyaan Magafaha laga gaadhahayn, dhalinta gaylaantay;
Oon lagala giigayn tahriib, badaha guuxaaya.

***                        ***                        ***

Gabannada geedka yimi midkii, gacanta loo dhiibo;
Galabtaa haddii loo guuriyoo, lana guddoonsiiyo;
Galbis iyo mashxarad iyo haddii, gibilladu maashayso;
Oo guudlaydu heesaha qurxoon, gaafka ku caweyso;
Gurigii markuu gudaha soo galuu, gurada doonyaysto;
Gashigii HadDuu gudi waayo, oo wejiga soo giiro;
Hadduu ugu gabbood-falo Iskii, oo guntada taaga;
Aamminaad gankeedii tahoo, cidi ku goyn mayso;
Oo geddii abaal-xooradii galbaday, Uu gadhka u sooho;
Inuu Libin ku gooshaa arliga, waa gar loo Noqon.

 

***                        ***                        ***

Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan ku soo gaabshay;
Galbeed iyo Jiiddaa Bari, guban Ilaa Oogo;
Hadba Geestii la rabo iyo gooddigii Mudan;
Gunnada iyo Kabkaba gobolkii helaa waa Geyiga Uune; 
Guubaabo iyo in loo hagar-baxaa, way gudboon tahaye;
Raad-gadasho meesheed Iyo mulaca goohiisu;
Garaafada shacbigu hooyaay, maggayo gubadyo qiiqaaya. 

 

DHAMMAAD

 

Prof Axmed Yuusuf Cali

Axmed-fm@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland