Asalaamu calaykum W W
Ugu horayn waxan salaanta islaamka ee kor ku xusan ku salaamayaa dhamaan shacabweynaha reer somaliland ee ku dhaqan dalka Gudihiisa iyo dibediisa, waxan salaantaas iyagana sigaara u gaadhsiinayaa bahda saxaafada somaliland ee xorta ah.
Ujeeddo
Hadii aan idiin iftiimiyo maqaalkan cusub ee maanta cinwaankiisu yahay maahmaahdan ka midka ah gabayadii abwaankii weynaa ee mohamed ibrahin warsame <hadrawi>
Ee ah (balsu,aalku celi maydkan sababtuu ku go,ay raadi) iyo ujeedada ay xambaarsan tahay,
Hadaba waa kuma sawirka maanta uu maqaalkanu xambaarsan yahay, hadaad dib u milicsato waa (Marxuun Cismaan Yuusuf Nuur ) ilaahay naxariistii jano haka waraabiyoe isagiyo dhamaan mujaahidiintii,la shihiidey aan idiin sii iftimiyo waa taliyihii qaybta 12 aad ee ciidanka qaranka somaliland kaasoo 27/11/2009 si argagixiso ah ay qarax ugu toogteen dad markaas ku sifoobey cadawga somalland, hadaba waxa is weydiin mudan sidee ayuu u dhintay mujaahidkanu muxuuse daaranaa dilkaas foosha xun ee lala beegsafday taliyahaas qaybta 12 aad marxuun Osman Yusuf Nor,
Aaan idiin iftiimiyo waxa aan odhan karaa Cisman Yusuf Nur waxa uu u dhintay xisbiga maanta talada dalka haya ee <KULMIYE> hadaba waa sifehee sifaha muu u dhacay dilkanu, waxa aan lays hilmaamsiin karin wakhtigaas wuxu ahaa wakhti xaasaasi ay somaliland maraysey oo xusbigii wakhtigaas talada dalka hayey ee udub uu qaban waayay doorashooyinkii inay ka qabsoomaan wadankaa ,waxayna terigareeyeen sifo kasta oo ay dib ugu dhigaan sidii doorashadu ay dib ugu dhici lahayd ,
Hadaba aan idiin iftiimiyo sifaha dilkan iyo ujeedadiisa waxa ay xusbiga udub adeegsatay sidii ay dagaalo uga bilaabmi lahaayeen gobolada bari ee somaliland iyadoo ay u adeegsanayeen qodob dustuurka somaliland qeexayo kaasoo ah hadii ay wadanka ka socdaan dagaalo inay ay sharci tahay in dib loo dhiga wakhtiga loo jaangooyay doorashadaas, sidaas daraadeed waxa la adeegsaday wakhtigaas taliyihii sirdoonka gobolka Sool iyo xubno kale si ay u fuliyaan dilkaa ,
Ujeedada ugu weyn ee dilka noocaas ah loo fulinayay oo ahayd in ay dagaalo beelaysanu meeshaas ka bilaabmaan taasoo keeni karta in doorashada dib loogu dhigo; intaa ka dib waxa bilaabmay baadhatiin fara badan oo ay ka muuqato madal hufin badan amaba ,eelka kii dhigay u ergooto>sida uu hore u sheegay gabyaa somaliyed oo yidhi”
(Baadida ninbaa kula day dayi daala kaa badane
Oon doonahayn inad hesho daayin abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhashoon waxu dahsoonayn,
Intaa ka dib waxa dhacday maxkamad la saaray dad badan oo sifihii dilkaasu ku cadaaday waxanay ku dhamaatay maxkamadaasu dil lagu xukumay shaqsiyo uu ku jiro taliyihii sirdoonka ee gobolka sool Abdifatax , hada iyadoo xaaladu halkaas marayso waxa soo wajahay qoladii udub ee dilkaas qoondaysay aynu sifihiiso hore uga soo sheekaynayi in ay ku guuldaraystaan doorashooyinkii ka qabsoomay cariga somaliland halkaasoo ay xilka kula wareegeen xisbigii sarkaalkaas asaayihiisa loo shirqoolay kornayl CYNuur,
Hadaba sifahee ayay ka yeeleen xusbigii KULMIYE ee uu naftiisa u waayay mujahid osman Yusuf Nor,
Jawaabtu maya, sida aynu wada ognahay ma jirto qorshe cad oo ay ka qaadatay dilalkaas foosha xun ee ku dhacay saraakiisa ciidamada qaranka ugu saraysay, hadaba waxay u muuqataa inay dawlada cusubi ku bedelatay siyaasadeeda guud ee ay ka leedahay gobolada bari.
Waxanu hadaba fariin gaara u diraynaa Madaxweynaha jamhuuriyada dimoqradiga somaliland Ahmed Mohamed Mohamud, Gudoomiyaha maxkamada sare iyo dhamaan hayada cadaaladda iyo distoorka Inay arintaas hoos u eegaan oo ay sharciga horkeenaan dadkii dilkaas geystay, una fuliyaan sifo sharciga waafaqsan waayo taas ayaana keeni karta cadaalad ,mana rabno in ay sharciga la baalmariyo cidii dil ahna lamariyo sharciga cidii aan waxba lagu lahayna lasii daayo.
Wabilaahi Tawfiiq,
Haybe Yusuf