Gabowdee Guurtida Ku Biir : Qalinkii Libaan xaji Fagadhe Qormadii

DEELEY DAREENLEY

RAG ALLOW MADOOXAA

MA DILAACIYAA NABAR

Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

Madaxweyne Riyaale waxa uu bil kabacdiba dhisey golihiisii wasiirada isagoo aan odhan ila taliya, gudina aan usaarin , wakhti badan iyo iska daba wareeg toona kulumin waxa ay bilaabeen shaqooyinkoodii iyagoo ahaa wasiiro dheelitirin walow ay cabanayeen dadka qaar hadana cabasho sidaa usii badani ma ay jirin isagoo golihiisa ku soo darsadey ururadii hadhey ee uu xisbiga udub lamidoobey oo uu wasiiradii wax kaga soo darsadey dowladaa Rayaale dhisay waxay aheyd dowlad wadaaga . Waxa xiligaa noolaa Alle ha unaxariistwe Sheekh ibraahim Sh.Yusuf Sh.Madar oo ahaa gudoomiyii golaha guurtida oo aad looga dambeyn jiray xiligaa uu noolaa way yareyd ku dawarsiga magaca qaaliga ah ee Mujaahid oo waxay noqdeen laba kooxood oo midna jabtey oo ku milantey badhkood xisbigii udub midna iyadu isu dhabareysey ama isgaadeysey oo midba midka kale maleegi jirey macnii uu uga takhalusilahaa oo uu midba kaligii uguuleysanlahaa balse kooxdaasi waxay xoog noqotey markii uu geeriyoodey sheekh ibraahim gudoomiyii golaha guurtida geeridaa ka bacdi waxa daaqad aan la filayn gudoomiyaha golaha guurtida kaga soo boodey Saleebaan Maxamuud Adan ( Saleebaan Gaal ) noqdeyna gudoomiyaha golaha guurtida sababna u ahaa madaxweynihii markaa talada hayey Riyaale isagoo afaaf ku gudbaaya ama ka dhiganaaya is gaashaan buureysi uu sida muraayada uga halacsadey kooxdii kala socotey misna maba oga inuu ka kawyahey kooxdii wada socotey ee dusha ka miskiin hoosta ka niciim isugu qosleysey waa kooxdii Xisbiga kulmiye isku baheysatay oo iyadu iskuna maqan hadana kumaqan umadan iyo dowladii Riyale hogaanka ka ahaa.

Qurbajooguba maalinta inay inaga shaqeystaan ay bilaabeen waa doorashadii baarlamaanka oo ay soo boob tageen waa sanadii 2005. Bal aynu dib ugu yara noqono weedhii ololihii uu madaxweyne Siilaanyo shacbiga ugu qudbadeyn jirey oo uu odhanjirey : Walaal uma baahnin gole ka mid ah dowlada waxaynu rabnaa gole ushaqeeya oo ka wakiila shacbiga oo aan danahooda oo kaliya eegan maalintaa shacbiga waxbadan ayaa baal marey waxaan aad uxasuustaa nin aanu saaxiibnahey ayaa maalin maalmaa kamida markii ololaha lagu jirey sheeko layaab igu noqotey iiga sheekeeyey waxaanu saaxiibkey igu yidhi : Adeerkey ayaa ka sharaxan xildhibaan waxa uu hanti lahaa hal guri oo aaney waxba u dheereyn gurigana reer kiisa ayaa daganaa waxaanu sameeyey arin layaable oo gurigii ayuu iibiyey si uu ololaha ugu galo , anigoo yaaban ayaa dhowr su’aalood oo isdaba socda waydiiyey.Reerkii halkuu dajiyey? Ma guribuu ukireeyey? Oo hadii uu waayo doorashada halkii gurina waa kaase muxuu yeelayaa? Saaxiibkey iima jawaabin oo uu aamusey balse anaaba ana isu jawaabay mid aaney ta nafee igu jirtaa igaba fileyn oo idhi dee ilayn waxkale uma banaanee Ciyaalkana ha iibiyo intay gaajo iyo hoyla aan udhimanlahaayeen, ku darsoo xildhibaano kale oo tani waa saleelee mid ka daran sameeyaa jira hadaba shacbiga kuwaa dooranaya ee wax ka sugaya ka warama.

82 Xildhibaan oo golihii wakiilada ahaa ayaa 52 xildhibaan ahaayeen qurbo joog waana isbadalkii uu Siilaanyo horkacaayey waxaa la doortey golihii baarlamaanka oo halkaa ay isku baheysteen labadii xisbi ee mucaaridka ahaa Ucid iyo Kulmiye lana wareegeen xubnihii hogaaminaayey golaha wakiilada waxa ay qabteen kalfadhigoodii uhoreeyey waan usoo taagnaaye iyagoon ka fikirin umadii soo wakiilatey waxay soo dhigteen in loo kordhiyo lacagta mushaharka 2005 ye maalintii hadii ay ka bilaabi lahaayeen waar shacbigu halkay ka liitaan ee aynu wax ka qabanaa waxaa la odhan lahaa golihii loo baagnaa , suurta gal baaney aheynoo dee raga qaar waa kuwaa guryahoodii iibiyey oo daynbaa lagu leeyey .

Maalintaa ayaa shacbiga u eekeyd inay dareen qaataan maanta kuma ay milmeen dowlada hada waxay eegtaan warqad madaxtooyada ka soo baxdey oo waxoogaa ay ku cunaan, waxa dhacdey maalmahaa inaan dad badan weydiiyey su aal aheyd Golahan cusub ee ladoortey ma iyagoon dadkii soo doortey waxba uqaban ayey iyagu isu kordhiyeen fadhigii uhoreeyey lacag aad ubadan ? Qofba si ayuu iigu jawaabey waxaanan ilaawin jawaabahaa :waxaan la yaabey shacbiga doortey nin ay caruurtiisu Europe iyo qurbaa joogto oo soo doontey wax uu cuno kii takale waxaa kaba sii daran kharashka diyaarada ee uu kolba ugu tagayo reerkiisa oo uu ubaahanyey ka wadanka ku dhex dhibani wax ay inoo qabtaan daayo waa leynoo yaabaa umana maleynaayo in fursadi halkaa shacbiga uga banaantey oo waxay usoo shaqatageen hungurigooda

Qaylada dad muumini

Dhayal kuma qarsoontee

Qadhaadh yimi macaankii

Qariyaa xasuustee

Nin agoon ku xadey qalin

Kheyr kama macaashee

Ragbaan qoomomo iyo ciil

Ayaamaa qadeynine

Kaa qorshaystey kaligii

Qaran uu dadleeyey

Wakhti ay ku qaraxdaba

Qaaxo kama fogee

Golahaas wakiilada iyo danahoogii gaarka ahaa Waa halkii ugu horeysey ee Riyaale ay muctaaridadu ka bilaabantey hadafkoodu ma aheyn mid ku saleysan danta shacbiga ee waxa uu ahaa sidii uu Siilaanyo kursiga ugu fadhiisanlahaa una helilahaayeen mashaariic dhaameel ay ka balameen markii uu mucaaridka ahaa taasi oo ku qotontey inay isna u daneeyaan iyaguna daneystaan.

{(Qormada 10 aad waxa aynu guda galeynaa Ciwaankan taxanaha oo halkaa ay kalmadi kaga soo biiri doonto aan ugu talo galey waxaanu uqormi doonaa sidan (Siilaanyo: Gabowdee Guurtida Ku Biir ) }

Lasoco…………