Deeley Dareenley
Rag Allow Madooxaa
Ma Dilaaciyaa Nabar
Waa markhaati madoon iyomuran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .
2/05/2002 markii laysla oogsadey geeridii cigaal waxaa markiiba iyadoo dadku yaaban yiin loo aayey dasduurkii uu marxuun cigaal inooga tagey kaas ayaana maalintaa la kala furey iyadoo ay mudo 8 biloodi u hadhsaneyd waxa maalintaa dastuurka furey alle ha unaxariistee Gudoomiyihii golaha Guurtida Somaliland Sh. Ibraahim sh. Yuusuf sh. Madar oo isna kaalintiisii maanta inagu soo banaa naatey waxaana madaxweyne nimadii loo dhaariyey mudada hadhey madaxweyneyne ku xigeenkii jamuuriyada Somaliland Mudane Daahir riyaale kaahin inuu ahaado maalintaa 2/5/2002 madaxweynaha Somaliland .umada Somaliland maalintaas way mideysneyd uu la wareegey madaxweyne Riyaale markii uu talada qabteyna waxa baa ba ay xataa wax yaabihii yar yaraa ee la tabanaayey ee qarsoonaa.
Waxa uu madaxweyne riyaale markiiba ku dhawaaqey baroordiiq maalmo loo cayimay inay warbaahinta dalka uu maalmahaa laga saaro quraan ilaa inta ay ka dhamaaneyso wax yaabaha lama ilaawaanka ah waxa kamida heestii baroordiiqda aheyd ee fanaaniintu Somaliland inkayar 20 saacadood ay ku sameeyeen heestii ay mar xuum cigaal u sameeyeen maalintaasi oo ay midha heed ka mid ahaayeen
GODKA LAGU JANEE
GEESI NAGA BAXOO
GUUL DHASHUU AHAA
Waxaa dhamaan dadka reer somalind qeybaheeda kala duwan kaaga muuqata jaceylkii ay marxuum Cigaal u qabeen taasi ay sabab u aheyd inuu marxuum cigaal ahaa nin dadku u sinaayeen oo aan aqoon qabiil oo kuu muujineysa xataa intii agtiisa ka dhaweyd .(Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo dhamaan umadeenii somalind ee dalka u dhimatey iyo umada kale ee muslinka ahba).
Waxaan bal soo qaadanayaa murtidii cali jaamac haabiil waxaanu yidhi
Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi
Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo
Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado
Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo
Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi
Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho
Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi
Gugoo da’ay aroosyada haddii gowda laga saaro
Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada
Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro
waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey
Gole igu bannaanaa wallee garab la’aaneede
Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi
Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe
Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone
Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane
Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi
Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye
Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaame
Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye
Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi
Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebaa taagan
Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (NNKH)
Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye
Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye
Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin Oo geesta
Nebigii i mari maanta lays gurayo.
Waxaa dhamaatey aaskii iyo baroordiiqdii marxuun cigaal xiligaas oo uu si toosa wadanka taladiisa ula wareegey madaxweyne riyaale isagoo dadkii iyo dalkii lagu wareejiyeyba halkii ka siiwadey madaxweyne Riyaale…
Lasoco……