Faallo: Dhibaatada Ay Somalida Aan Xorta Ahayn Ku Hayso Somalia Maanta

faalloWaxaa Geeska Afrika badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939-1945) ka soo shaac-baxday Aragtidii Somaliweyn. Halgamadii xornimadoonka ahaa ee dadyowgii Somalida ee ku noolaa Geeska Afrika oo ay kala hoggaaminayeen Ururkii SNL iyo SUP ee Somaliland, iyo Ururkii SYL ee Somalia waxay hilowga himaladoodu iyo riyaaqooda wadaninimo ku salaysnaa in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed si loo helo dawladweyn oo Somaliyeed oo ka dhalata Geeska Afrika. Somaliland ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Somaliyeed oo xorooba isla markaana hirgesha figradda Somaliweyn. Markii Somaliland ka xorowday Boqortooyadii Ingiriiska Bishii June 26dii, 1960 waxay markiiba la midowday Somalia oo ka xorowday dawladdii Talyaaniga bishii July 1dii, 1960.

Nasiib-darrose waxaa dhacday laba arrimood oo burburiyay himiladii Somaliweyn. Waa midda kowaade, Jabuuti oo ka mid ahayd 5ta Somaliyeed waxay diiday inay ku soo biirto Somaliweyn isla markaana noqotay dawlad madaxbanaan. Waa midda labaade, Somaliland oo ka noqotay midowgii ay la lahayd Somalia 1991 ka dib markii dhibaato weyni dhexmartay labada dal, sidaasna ay ku fashilantay Aragtidii Somaliweyn.

Maanta dadyowga Somalidu waxay u kala fadhiyaan 5tii meelood ee gumaysigu u qaybiyay sida dalal badan. Somaliland, Jabuuti, iyo Somalia waa xor. Somali Galbeed iyo Somali Waqooyi Bari waxay kala raacsanyihiin Itoobiya iyo Kenya. Saddexda xorta ah ma muuqato inay midoobi. Labada la haysto ma muuqato goor ay xoroobi, haddii ay xoroobaanna ma muuqato inay aaminsanyihiin figradda Somaliweyn. Sababta ay Somaliweyn u fashilantay waxa weeye Somalida oo si foolxun sida Carabta u aaminsan qabyaaladda iyo xukun-jacaylka taas oo keentay inay si foolxun isugu tacadiyaan. Somalidu waxay isku dishaa iskuna xasuuqdaa magac qabiil taas oo ka baxsan Diinta Islaamka iyo nidaamka dawladnimada. Sidaas awgeed Somalidu way kala aamin-ka-baxday, kala aamin-ka-baxaas waxaa uu noqday wedka Somaliweyn.

Dadyowga Dalalka Somalida xorta ah awood uma laha inay xorreeyaan labada gobol ee Somaliyeed ee ka kala tirsan Itoobiya iyo Kenya balse niyad ahaan way u taageerikaraan. Waxaa xorraynkara oo qudha Somalida u dhalatay gobolladaas sida ay isku xorreeyeen dadka Koonfurta Sudan. Markii Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalia ee ka koobnayd Somaliland iyo Somalia ay ku duushay Itoobiya sannadkii 1977 si ay u xorrayso dhulka Somali Galbeed waatii la ogaa ee adduunku ku kacay kuna khasbay dawladdii Somalia inay ka baxdo xuduudda Itoobiya kuna noqoto xuduudeeda, dagaalkaas oo dhaqaale iyo ciidanba lagu waayay.

Kadib markii ay fashilantay Aragtii Somaliweyn oo ahayd in la xorreeyo 5ta Somaliyeed, hal calan iyo hal dawladna la hoos keeno ayaa waxaa dhacday in Figraddii Somaliweyn ay maanta isku bedeshay siyaasad isku dul-dul-noolasho taas oo Somalida aan xorta hayn ku mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somaliyeed xorta ah kana jeestaan xorraynta dhulalkooda sida maanta ka socota Kismaayo. Haddaba waa maxay dhibaatooyinka Somaliweyn ku hayso Somalia maanta, sideese looga bixikaraa?

Dhibaatooyinka ay maanta Figradda Somaliweyn ku hayso Somalia waxaa ka mid ah:

1. Somalia (Koonfurta) oo ay maanta ka dhacayaan waxyaabo la yaab leh, taas oo caddayn u ah dhibaatada ay Somaliweyn ku hayso dalkaas. Kismaayo waa magaalo madaxda Jubbada Hoose ee Somalia oo ah dal xor ah. Waxaa la xaqiijinayaa in milliishiyada Kismaayo dagaalka ku qabsaday iyaga oo taageero ka haysta ciidamada dalka Kenya kana soo horjeeda dawladda Somalia uu xoogoodu ka yimid Somalida Kilinka 5aad ee Itoobiya iyo Waqooyi Bari Keenya. Kooxdan oo ku soo gashay gobolladaas magaca Somaliweyn ayaa waxa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay goostaan Gobollada Jubooyinka iyaga oo taageero ka haysta dalka Kenya oo amar ka qaadan Unisom iyo dawladda Somalia.

Gobolladan waxaa deggan oo leh beelo badan oo Somaliyeed oo ka soo herjeeda Ciidamada Kenya iyo milliisiyadda hubaysan ee ay taageeraan, waxayna dagaal kula jiraan labadaas Ciidan si aan looga barokicin dhulkooda loogana goyn Somalia oo ay ka tirsanyihiin. Jubbooyinku waa gobollada ugu qanisan Somalia, waa isha nolosha iyo nafta dadkeeda, waxbana Somalia la hadhimayso si ay u badbaadiso jiritaankeeda. Haddii xiisadda Kismaayo sii socota Kenyana si cad ula safato kooxda qabsatay magaalada, waxay markaas soo dedajinaysaa dagaal ka dhex-qarxa Kenya iyo Somalia kaas suurtogal ah inuu Kenya u soo jiido jab, burbur dhaqaale, iyo qalalaase ku fida Waqooyi Bari Kenya waayo ummadda Somalia marnaba ma dhacayso in looga adkaado dhulkeeda hooyo ee ay difaacayso.

Waxaa maanta dawladda Somalia waajib ku ah inay ciidamada Kenya deg deg uga saarto dhulka Somalia (Jubbooyinka) intaan dhulkeeda la kala goyn, haddii dawladda Kenya diidana lagu iclaamiyo dagaal qabta weyn oo xorrayn ah oo lala galo Ciidamda Kenya isla markaana laga saaro milliisiyadda la safan ee ka so duushay gobollada Somalida aan xorta ahayn laguna cesho degaamadooda. Sidaas oo keliya ayaa lagu badbaadinkaraa maanta madaxbanaanida Somalia iyo wadajirkeeda dhuleed ee xorta ah. Dawladda Kenya waxay markii horeba Jubbooyinka ku soo gashay amar la’aan iyo damaaci gumaysi madow oo ay dabada ka riixayaan Somalida Kenya ee aan u dhalan Somalia.

2. Dadka xukuumadda Somalia la dabajooga markasta shirqoolada iyo mooshinada lagu ridayo ee ku salaysan qabyaaladda iyo laaluush-raadinta oo Somalia ka degila’dahay sida xukuumadda Talyaaniga waa xubno baarlamaan iyo wasiirro ka soo kala jeeda Kilinka Shanaad ee Itoobiya, Waqooyi Bariga Keenya, iyo Somaliland, waxaanay dhammaantood ku soo galeen baarlamaaanka Somalia magaca Somaliweyn.

3. In badan oo ka tirsan baarlamaanka iyo wasiirada Somalia waxay ka kala socdaan 5ta Somaliyeed iyaga oo ku soo galay Somalia magaca Somaliweyn waxayna Somalia ka dhiseen Fadaraalka Somaliweyn oo ah dawladnimo ay ku danaystaan, arrintaas oo beelo badan oo ka tirsan dadka Somalia ka duudsiyay jagooyin, darajooyin badan, iyo hanti badan oo ay xaq u lahaayeen inay saami ahaan u helaan.

4. Xubnaha barlamaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee ka soo jeeda Somaliland,  Waqooyi Bari Kenya, iyo Kilinka 5aad ee Itoobiya ma matalaan dalalka iyo gobollada ay ka soo jeedaan awoodna uma laha inay tagaan. Kooxdan kuma kaalmaynkaraan Somalia ciidamo iyo cashuur dhaqaale oo lagula dagaallamo laguna jebiyo Kooxda Al-Shabaab ee dhibaatada weyn ku haysa Somalia. Baarlamaanada iyo Xukuumadaha Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari kuma jiraan dad u dhashay Somalia. Markaas su’aashu waxay tahay: Maxay ku mutaysteen inay xubno ka noqdaan baarlamaanka iyo xukuumadda Somalia?

Taariikhdii 1960kii waxaa israacay Somaliland iyo Somalia ee isma raacin 5ta Somaliweyn. Xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira Baarlamaanka iyo xukumadda Somalia iyaga waa la gartay oo waxay malaha hiigsanayaa midnimadii hore ee labada dal dhexmartay? Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxay xubnaha ka soo jeeda Kilinka 5aad, Waqooyi Bari Keenya, iyo Jabuuti ugu jiraan Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somalia? Jawaabtu waxay tahay waxay ku soo gabbadeen magaca Somaliland oo aan jirin, waxayna xubnahan intooda badan taageersanyihiin maanta boobka lagu hayo Kismaayo iyo Jubbooyinka si looga gooyo Somali!ia, waana taas dhibaatada laga dhaxlay maanta Somaliweyn oo dadka Somalia aanay weli fahmin dhagarta ay huwantahay

5. Kuwa ku danaysta magaca Somaliweyn ee ka tirsan barlamaaanka iyo xukuumadda Fadaraalka Somaliweyn ee Somalia kana kala yimid Somaliland, Kilinka 5aad, iyo Waqooyi Bari Kenya waxay si joogta ah isugu diraan Somaliland iyo Somalia si ay u sii kala fogaadaan.

Maanta kuwa Somaliweyn aan jirin u qaylinaya waxaa u badan Somalida ka tirsan Itoobiya iyo Kenya waayo waxay ku mameen hantida, xukunka, iyo dhulka Somalida Xorta ah laga soo bilaabo xukunkii Siyaad Barre. Arrintanu waxay caddaynaysaa in Somaliweyn noqotay maanta siyaasad la isku dul-noolaado (Somaliweyn has become parasitic philosophy), siyaasad kuwa aan xorta ahayn ku soo gabbadaan magaca Somaliweyn si ay u soo galaan Somalida xorta ah oo ay u dulmiyaan kana jeestaan inay xorraystaan dhulkooda. Waxaa kale oo ay maanta Somaliweyn isu bedeshay siyaasad lagu boobo gobollo ka tirsan dal kale sida maanta ka socota Jubbooyinaka Somalia.

Nabadgelyo la’aanta maanta Somalia ka jirta waxaa u sabab ah hugun Somaliweyn aan jirin oo u diidan in dadka Somalia gacantooda ku maamushaan dawladnimadooda soona ceshaan nabadgelyadooda. Somalia waxaa leh dadka Somalia waxaana ku waajib ah madaxdooda, siyaasiyiintooda, madaxdooda dhaqanka, iyo indheer-garadkooda inay ka baxaan hugunka aan jirin ee Somaliweyn oo gacanta ku dhigaan talada iyo aayaha ummadooda iyo dalkooda iskana caydhiyaan kuwa ku soo galay dalkooda magaca Somaliweyn oo isku taxay jagooyinka iyo darajooyinka aanay xaq u lahayn ee laga boobay dadka Somalia isla markaana guranaya maalkooda si ay daaro uga dhistaan gobollada ay ka soo jeedaan, kuna dadaalaya maanta inay Gobollada Jubooyinka ka goostaan Somalia. Addisaba iyo Nairobi midna xaq uma laha inay farogeliyaan madaxbanaanida Somalia iyo wadajirka dhulkeeda ama ka hadlaamba. Waa sidaas sida keliya ee looga bixikaro dhibaatada Figraddii Somaliweyn ay ku hayso maanta Dalka Somalia ee Xorta ah.

Dulmiga iyo tacadiyada Somalia iyo Somaliweyn u geysteen ummadda

Somaliland xilligii midowgu ka sokow, waxaa kale oo Somailand aanay marnaba ula midoobayn Somalia waa dawladda fawdada ah ee aan la kala lahayn kuna salaysan Somaliweyn aan jirin maanta lana garanayn inay rumoobi iyo in kale. Lama saadaalinkaro samanka 5ta Somaliyeed oo xor ah inta la arko ay Figradda Somaliweyn madaxa la soo kacdo mar labaad, lamana garanayo inay midoobi iyo in kale. Haddaba su’aashu waxay tahay: Maxay ummadda Somalia danaheeda ugu seegaysaa dadyow Somaliyeed oo aan la hubin inay isku imanayaan iyadana khatar dhulkeeda ku haya maanta? Samankan Figradda Somaliweyn waxay isku bedashay Siyaasad ku dhisan dulmiweyn iyo isku-dul-noolaasho taas oo Somalida aan xorta ahayn ku soo qulqulaan kuna mamaan xukunka, hantida, iyo dhulka Somalida xorta ah kana jeestaan inay xorreeyaan dhulkooda. Ummadda Somaliland marnaba ma aqbalayso in magaca Somaliweyn mar labaad lagu xukumo, lagu dulmiyo, lagu boobo, lagu xasuuqo, laguna burburiyo dadkeeda iyo dalkeeda sidii dhacday intii u dhaxaysay 1970-1990.

Nabadgelyada iyo horumarka maanta ka jira Somaliland iyo Jabuuti waxaa sabab u ah dawladnimada oo ku jirta gacanta dadka iska leh oo ka ilaaliya Somaliweyn aan jirin, una daacad ah horumarka dalalkooda. Gobolka Kilinka 5aad ee Itoobiya waxa uu leeyahay maamul u gaar ah oo gacanta ugu jira Somalida gobolkaas u dhalatay oo qudha. Sidaas oo kale, dadka metala gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bari Kenya waa dadka u dhashay gobolkaas oo qudha. Dadbaa aaminsan in haddii qofku diido magaca Somaliweyn uu ka baxayo Somalinimada. Somaliweyn diin maaha balse waxay ahayd aragti isbahaysi qawmiyad ama jinsi rabay inay midoobaan oo suurtogeliweyday laakiin Somalinimo waa dareen qawmiyadnimo ama jinsinimo oo ka dhaxeeya 5ta Somaliyeed oo astaan u ah xidhiidh sokeeye iyo walaaltinimo aan la isku xad-gudbin.

Waxaa Qoray: Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: June 30, 2013.

“Ardey Ayaan ku idhi waar Warqadaasi Casharka ah ee lagu soo tuurey Banaanka Yaa leh wuxuuna iigu Jawaabey waa laga Dhameystey” – W/Q: Cabdifataax Ceelaabe

Markasta oo Somaliland Imtixaan Heer caalami ahi ka dhacaayo ama la soo gaadho Sannad dugsiyeedka dhamaanaya waxa la Maqlaa Arimo badan oo la xidhiidha eegasho badan oo dhacday,Dhinaca ilaalada imtixaanada Ayaa aad looga hadlaa.Imtixaanka dugsiyada sare Ayaa ka mid ah imtixaanada berigii hore aadka u adkaan Jirey si weyna looga baqi Jirey.hase ahaate sannadihii ugu danbeeyey Imtixaanadaasi waxa laga soo sheegayey ama ma Maqlaayey in aan xaga ilaalada imtixaanada Macalimiin badani kala kulmaan Dhibaatooyin la xidhiidha dhinaca amaankooda.Arintaasi oo la xidhiidha Ardeyda oo 90% imtixaanka ugu soo diyaar garowda in ay eegtaan ama sita warqado eegasho.

Suuyqada caasimada Hargeisa Ayaad ku arkeysaa dad aad uga sheekeysanaya sida ay isku badaleen Ardeyda wakhtigan waxbarashada ku Jira marka la  hor dhigo kuwii iyaga ka horeeyey.Macalimiin badan Ayaa kaaga warameysa markaad la sheekeysato sida dedaalkii iyo Wax akhriskii ardeydu meesha uga baxey marba marka ka danbeysana u sii Yaraanaayo.Dhinaca kale xubnaha imtixaanada ilaaliya ama loo qaato ee loo Yaqaano (Invigilators) Ayaa kaaga waramaya dhacdooyin badan oo la xidhiidha sida ardeyda sannadahani wax ku baraneyso iyo sida ay ugu diyaarka yihiin in ay Su,aal kasta warqad ay sitaan uga qortaan ama qof kale uga eegtaan,iyaga oo weliba kuu sii  raacinaaya in ay u baqaan ama mararka qaar gacanta ay u qaadaan qaar ka mid ah ardeyda oo diidan in Qishkooda ama warqadaha ay wax ka eeganayaan laga qaado.

Dhicida Ardeyda Ayey dawladu yareysey waxaanad Maqleysaa 4,000 oo Ardey oo imtixaan u fadhiistey oo dhamaantooda wada baasaya,Heerarka A,-A ,A, ama A Minus waxa loo sameeyey in aanu qofna dhicin si ardeyda loogu dhiirigeliyo in uu wax barto  oo aanu u tahriibin.Ardey lagu sasabaayo in aanu dhicin ama hadhin Ayaa wadanka ka buuxa.Dhinaca kale arintani waa mid aad uga Jirta Jaamacadaha wadanka inkasta oo ay ku kala fiican yihiin Xaga nidaamka oo la odhan karo Jaamacada hargeisa la mid maaha kuwa Gaarka loo leeyahay haddana Jaamacadaha oo dhan waxa ka Jira in aan ardeyga la maqashiin in uu dhacey,Ardeyguna ma maqli karo waad dhacdey mana Hadhi karo,Qaarkoodna waxa ay ku doodaan in lacag laga  qaadey sida kuwa gaarka loo leeyahay oo ay uga tagi doonaan haddii la rido.Culeyska maamul xumada waxbarasho ee ka Jirta wadankuna wuxuu si rasmi ah u fuuley uguna dhacey macalimiinta Ardeyda wax u dhigta oo aad u ilaaliya Ardeyda markastana isku daya sidii ay ardeyda u qancin lahaayeen kooda saaqidka ah iyo kuwa ugu cadcad intaba.Ardey aan Joogin xiisaska isla markaasina aan Fahmin Ujeedada iyo hadafka Mawduuca ama maadada Ayaa raba in uu Helo Derajada A.

Waxa Qudha ee Ardeydu ay ka sheekeeyaan ama u heelan Yihiin Ayaa ah in ay Maqlaan Waad baastey imtixaankii.Wareysiyada ugu badan ee ay macalimiinta la yeeshaan Ayaana ah “Macalin ka waran Imtixaankii,Macalin naga soo Jilci iwm”.Macalinka waxa lagu Jeclaada meelo badan hadba sida uu ardeyda ugu ilaaliyo Derajada ay rabaan.Waxaana soo baxey Ardey Maskaxda ka mashquul ah,Daalan oo Awood waxbarasho aaney ku Jirin haddana Dugsiyadii iyo Fasaladii waxbarashada aad u soo camiraaya,Ardey talooyinka macalimiinta aan dhegta u dhigin haddana raba in wax kastaa u hagaagaan.Ardey dhinaca luqadaha iyo ku hadalka luqada Englishka ama fahankeedu aad ugu adag yahay,Ardey si aan isku lod iyo Darajo aheyn la isku raaciyo loona qaato iwm.Halkaasina waxa ku dhex dhimanaya oo aan marna la ogaaneynin Ardeydii wanaagsaneyd oo markasta aan laga reebeynin kuwii saaqidiinta ahaa.

Qorshe la,aanta ina heysata Ayey ka mid tahay in 5,000 oo Imtixaan u fadhiistey la wada baasiyo,Haddana Dhamaantood ay Jaamacad ka soo wada baxaan iyaga oo aan sannadna la kala reebin.Tirada badan ee Dugsiyada sare ka soo baxda Ma keliya Jaamacad in ay galaan Ayeynu ka rabnaa.Maxaase loo wada baasinayaa ama Jaamacaduhu u wada qaadanayaan Ardey aan xaq u laheyn in ay Fasal jamacadeed soo Fadhiistaan.Waa Marka dadkeenu Yidhaahdaan waxbarashadii waxa ay Noqotey Shaqo lacag lagula soo baxo.22 Sanno ka dib Ayaa nidaamkeenii waxbarasho Noqdey in Qof lagu baasiyo lacag Ayaa laga qaadey oo wuu kaa tagi haddii aad rido markaa bal muxuu noqon doonaa 5ta sanno ee soo socdana,waa in si toos ah ardeydu ay maamulka jaamacadaha iyo dugsiyada gacanta ugu dhigaan oo ay iyagu sida ay doonaan ka yeelaan oo ay xitaa Yidhaahdaan 90 Marks ma qaadanaaye 100 ha la iiga dhigo.

Ardeyda Dugsiyada markaad wareysato waxaad ka dhex Maqleysaa iyaga oo ku kaftamaya ama ka sheekeynaya wixii Qish dhacey ama sidii ay u kala eegteen.Midkasta oo wax garanaya ama habeenkii soo jeeda waxa dugsanaya oo sugaya mid habeenkii ciyaar ama Qayilaad ku soo jeeday oo weliba og in uu baasaayo.Ardey Imtixaanka ka soo baxey Ayaan la sheekeystey oo iiga waramey Waxa ka dhacey dugsiga uu imtixaanka ku galaayey iyo sida Ay ardeydu dhamaantood qish u wada sugaayeen.Wuxuu ii sheegay dugsiyo dhib badan oo si badheedh ah ardeygu iskugu dayaayo in uu eegto.Wuxuu ii sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan macaliimiinta ilaalineysa oo ka baqaya xitaa qaarkood ardeyda.Waxa la wada sitaa warqado Far 8 ama 9 Size lagu soo qorey oo la wada kala koobiyeystey.Arintaasi oo aan Jiritaankeeda aad u arkey.”Cabaaro 10 subaxnimo sannadkii hore aniga oo ku Jira meel Koobi ah Ayaa waxa soo galay ardey sita warqado Qish loo soo diyaariyey oo uu rabey in Koobi badan looga sameeyo,Markii uu ula yimid inankii koobiga ee uu arkey Ayuu ka diidey wuxuuna u sheegay in aanu ardeyda ku taageerin Qish kuna shaqeysan in uu lacag sidaas ah ka qaato dadka”.

Qishku waa Kalmad ama Eray Ardeyda wax dhiganeysa iyo Dugsiyada waxbarashada ka caan ah,Waa wax la ogyahay in ardeydu ku kici karto isla markaasina Macalimiin iyo Maamul intaba laga warhayo.Waa wax xitaa Ardeyga wanaagsan ka dhici kara oo uu mararka qaar isku dayi karo.Waase maanta wax batey oo kala eegashada ama kala qorashada Imtixaanada ee ardeydu heerka uu maraayo lama Qiyaasi karo.Xitaa macalimiintii Ayaa markii ay arkeen in aan maamulkii waxba ka qabaneynin ardeyda ay ku qabtaan qish Naftoodii ilaashaneysa oo xitaa Qaarkood Ayaaba macalimiinta go,aansadey in aaney weligood imtixaan ilaalin.

Ardey soo kala qoratey,soo kala eegatey ama wax isku mid ah wada sita Ayaa macalimiinta u soo gudbisa Assignments si koox ah ah ama qof qof ah.Koox Ayaa qof keliya ka soo wada Koobiyeysaneysa Wax aaney Akhriyin,iska eegin ama aaney fahmin waxa ku qoran.Ardey Ayaa koobi ka sameysanaaya Ardey kale oo raba in uu sidaasi macalinka ugu dhiibo,Haddii su,aal laga weydiyana aan xitaa garaneynin.Ardeyda qaar Ayaa xitaa Koobigu la gaadhey in ay macalimiinta u dhiibaan Warqad xitaa magac nin kale ku qoran yahay oo koobiga ka soo raacey.bal ardey u diyaar ah koobi nin kale iyo waxa ay ardeydu qishka ugu yeedhaan ama eegasho maxaa laga qaban karaa.Qaar badani ma istaahilaan in loogu yeedho Jaamici ama aqoonyahan.

Ardey surwaalku ka dhacaayo,Timaha raameeyey oo dhinacyada xiiran,Cidiyaha la baxey,socodkiisuna qalqalooco,waxba aan soo Akhriyin ama Maskaxdiisuba aaney soo Jeedin Ayaa raba in loogu Yeedho aqoonyahan.Aqoontu maxay u tusi weydey in uu timaha si hagaagsan iskaga xiiro.Todobaadka Imtixaanada Jaamacadaha haddaad tagto waxaad arkeysaa meelkasta warqado daadsan.Warqadihii wax lagu dhiganaayey ayey qaarkood daadiyeen.Qaarkoodna boqolaal warqado qish ah oo laga soo saarey ama ay ka qorteen ayey kaga tagayaan Fasalada ama hoolalka imtixaanka lagaga qaadey,Meelkasta warqad Ayaa daadsan xitaa qaar ayaa buugagtooda iskaga taga oo aan rabin.Ardey Ayaan ku idhi waar Warqadaasi Casharka ah ee lagu soo tuurey Banaanka Yaa leh wuxuuna iigu Jawaabey waa laga Dhameystey.