Erayo Aan Ka Cabsoodo!

Taariikhdu wanaag, farxad iyo murugo mid ay tahayba iyada aya isa soo celisa  , waxaan xusuustay waqti laga joogo 12 sanno oo aaan ku jiray dugsiga dhexe  dhacdo ka dhacday fasalkii aan wax ku baranaayey markii Cabdiraxmaan maxamed Cilmi oo ahaa saxiib aanu isku naf ahayn/isku dheerayn looga yeedhay xafiiska laga maamulo dugsiga  gaar ahaan qaybta la soo joojiyo ardayda xukun ciqaabeedka lagu fulinaayo  iyada oo xiisadii ugu horaysay ee   qaybta labaad ee nusasacaha ka  dambaysa lagu jiro ayaa macalin Xasan oo ahaa maamulaha fasalkayaga/form master uu cabdiraxmaan si cadho leh ugu yeedhay manuu sugin intii uu kacaayey ee waxa uu iskugu daray dhirbaaxo, janjiidho iyo
– waliba in uu gacanta ugu garaacay kursi  qaybta wax lagu qoro ee uu cabriaxmana fadhiyey,  “waar kac adaan kula hadlayaaye ayuu ku celceliyey ilaa toban jeer laba daqiiqo waqti aan ku qiyasay gudahood Cabdiraxmaan markii uu baxay isaga  oo arga-gaxsan  waxa hal mar aamusay  fasalkii oo ka koobnaa 88 arday oo dhammmaan wiilal ah  anigu waxaan ku jiray ardaydii  aadka uga naxday macalin Xasan madaama aanu isku kursi ahayn labada Number ee aan ku xaadirnaanan ay kala ahaayeen 31 iyo 32.

 

Cabdiraxmaan markii maamulka dugsiga loo geeyey waxa loo sheegay in uu sameeyey  falkii ugu xumaa ee arday dugsiga wax ka  bartaa uu  ku dhaqaaqo  muddo 60 sannadood  oo dugsigaasi dhisnaa, madaama uu Cabdiraxmaan uu ahaa saxiibkay  isla markaana aanan wax dambi ah oo uu faraha kula jiray  ku ogayn waxaan go’aansaday in aan ka daba tago waanan kacay walaw uu aliflihii fasalka/kaabe galaaskii uu ii diiday hadana baryo ka dib ii ogolaa waxaan meel daaqad ah ka fiiriyey  macalin Xasan iyo Maxamed oo qaabilsanaa arrimaha ardayda  oo laba ulood hareeraha kaga kala jira  Maxamed waanan ka baqay in aan  qolka yar ee kooban ee ay ka socoto ciqaabta  Cabdiraxmaan galo  hadana waxaan jeclaysanayaa in aan wax ka ogaado arrinta saxiibkay . waxa igu soo duulaysa  Maxamed oo marka uu usha ku dhuftaba  ku leh Cabdiraxmaan erayadan ” dib maad u qori waxan oo kale ? ma waxaad rabtaa inaad edeb darro cusub na barto ? Cabdiraxmaan si qayliyo cabsi ku jiro ayuu u leeyahay alla Macalin maya walaahi u noqon maayo ?  macalin Xasana waxa uu leeyahay maxamedaw ninkan diirka ka siib.

 

arrintii  ayaa dugsigii wada gaadhay madaama uu Cabdiraxmaan qaylo xoogan ku dhuftay   ardaydii wali ma wada xarooon oo qaarbaa dhuumasho ku gelaaya fasaladooda kuwa kalena daarada ayey iyaga iyo macalimiintii is eryanayaan waxayna u badan yihiin kuwa iskiriiin dhagaxa oo ay ku nusasaacaynayeen  ku raagay  uu gu biyoobo .  macalimiin iyo arday u badna kaabe -galaasyadii ayaa isa soo tumay qolkii yaraa ee Maxamed lagu maxakamadaynayey hortiisa  la kala qabay  maxamed iyo macalimintii waxayna u eekaatay saddex nin oo labadood  nin iskugu tageen madaama ay ciqaabtu u muuqatay  mid ka weyn ta caadi ahaan dhex marta arday iyo macalinkiisa   waxayna xaaladu noqotay in si cadaalad ah loo weydiiyo macalimiintii ninkan/cabdiraxmaan waxu sameeye hal mar ayaa  toban qof dad aan ku qiyaasay ku dhawaaqeen maxuu sameeyey ? macalin Xasan oo cabdiraxmaan u arka in aan wali laga jarin ciqaabtii uu mutaystay ayaa ku dhawaaqay bal eega waxa uu ninkan qoray  waxaanu  jeebadiisa  macalinku ka soo saaray  macalinku warqad nooca imtixaanada lagu gali jiray ee bayaada loo yaqaano(warqad  A4 leeg ee liidimaha leh/xariiqaha  )macalingoobta taagnaa  ayaa fiiriyey waxaanu ka codsanay in uu kor u akhriyo  madaama aanan wada eegin Karin , erayadan  ayuuna  ka akhriyey waqrqadii” anba kuguma dhaafeen hadday taadu dheelide’e maxaa dhacay dhankaagay u jiiftaa dhaliishuye, ma dhiiradu nimaan garab  wax lagula dhisaynine  naftan dhool hilaaciyo dhibic baa u muuqdee, anna dhaawacaygii jacayl dhidibka aastay  la dheel dheeliyaayeey” oo ku jirta hees uu qaaday maxamed saleebaan tubeec dad badan ayaa u arkay in cabdiraxmaan qalad loo garaacay hadana sida caadada ah macalin iyo arday looma garnaqo xataa  haddii uu macalinku qaldan yahay cabdiraxmaan oo wajiga laba meelood kuusan yihin  gacana ta kale kor ugu haya  ayaa fasalkii  ku noqday arday fasalku  waxay sugayaan  natiijada dambii lagu eedeeyey  cabdiraxmaan qaarna wali waxayba ka sii naxsan yihiin qaabki loo qabtay cabdiraxmaan iyo  waliba qayladii macalin Xasan , macalin Xasan ayaa soo galay fasalkii waxaanu noo diiday in la soo hadal qaado cabdiramxaan arintiisa horena waxa laga galay xiisadii uu isagu u lahaa  waxayna ahayd xiisad carabiga loogu yeedho  Imlaa’ oo ka waranta qaab qoraaleedka saxsan ee carabiaga waana  la yeedhinayaa  cabdiaraxmana waxba ma qori karo oo gacantii  uu wax ku qori lahaa  waa dhaawac  laakiin ma sheegi karo oo macalinka kuma odhan karo macalin anigu ma qori karo  oo gacanta kale ayuuba u baqayaa  aniga ayaa isku dayaaya in aan cabdiraxmaan kiisa iyo kaygaba wada qoro aniga oo macalinaka iska eegaya  sidiibaanan ku dhamaynay xiisadii  markii la rawaxay waxaan  ka mid ahaa raday nasiib u heshay in uu  cabdiraxmaan nooga waramo erayada uu qoray ee uu ciqaabta ku mutaysay  waxu u noo sheegay in uu shalay uu warqada kaga rawaxay  fasalka isla kursiga u fadhiistana  uu  geliyey meesha buugaagta la dhigto warqadana uu ka soo iibiyey lacag uu kala hadhay nusasaacihiisii  waxaanu cabdiraxmaan  noo sheegay in uu ogaaday  inaay  kursigiisa ay gelinka dambe fadhiisato Hinda  Cabdi oo ah ardayad ay muddo sheeko wadaag ahaayeen isla markaana  uu noogu tilmaamay in inta uu danaynayo in ka yar ay iyadu danayso  hindana ay heshay warqada ka dibna hooyadeed u gaysay iyada oo dacweoonaysa  hoooyadeedna ay saaka kula soo kalahday dugsiga sidaasina loo ciqaabay  cabdiraxmaan .

 

waxa xusid mudan in  cabdiraxmaan oo saxiibtinimada ka sakaw aanu isku xaafad ahayn oo anaanu duhurkii isa sii raaci jirnay aanu sii mari  jirnay waddo hor marta istuudyaw Arraweelo la odhan jiray   waxana maalin ku beeganay iyada oo ay ka baxayso heestii  Tubeec ee erayadeedu  ciqaabta u noqdeen  Cabdiraxmaan , cabsi uu qaady darteed  cabdiraxmaan waxaanu ka leexan jirnay markaanu u dhawnahay arraweelo oo  jid kale ayaanu mari jirnay.

 

haddaba maalin  aan ka foagayn waqtigan aan qoraalka qoray  ayey heestii ka soo gashay idaacad aan dhagaysaneyey   go’aan aanan maamuli karin ayaan ku bakhtiiyey idaacadii waxaanan is weydiiye tolaw adna ma lagu maqlayaa aniga oo hareeraha iska  eegaya.

W/Q- Cumar Cali Xasan “Seerbiya