Diplomaasiyadeena: Somaliland oo Hanatay Kalsoonidii Dunida iyo Soomaaliya oo laga Aamin Ka Baxay

KAysar-CAbdilaahi-MAxamedWaxay ahayd 16kii September ee sanadkan 2013 markii shirkii Yaboohda ahaa ee loogu magac daray New Deal ah oo loogu qaadhaamaayay Soomaaliya lagu qabtay Magaalada Brussels ee Wadanka Belgium halkaasoo Madaxada Midowga Yurub iyo Wadamo badan oo dunida ahi ay ka soo qayb galeen, sidoo kalana Xukuumada Soomaaliya oo ay Puntland ku jirto ayaa madashaas ka soo xaadiray, halka Jamhuuriyada Somaliland aanay ka qayb galin shirkaas iyada oo u arkaysay in shirkaasi uu khuseeyay Soomaaliya, isku duruufna aanay ahayn Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee   Wasaarada Arrimaha Debada Somaliland  oo uu hormuud ka yahay Wasiirku aya si toos ah isha ugu hayay  shirkaas, si joogto ahna ula xidhiidhayay Madaxada Midowga Yurub si loo ilaaliyo Masaaliixda Sare ee Qarankeena, taasoo keentay in Midowga Yurub iyo Duniduba ay garawsadaan  in Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya, isla markaasna ay Jamhuuriyadda Somaliland tahay mid higsanaysa Horumar oo ay si buuxda u dhisan yihiin Nidaamkeeda Dhaqaale iyo Siyaasadaheeda Horumarineed ee ku salaysan Baahiyaha kala duwan ee Dalkeena, isla markaasna ay Jamhuuriyada Somaliland  dejisatay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo si cilmiyaysan looga baaraan degay, natiijadii shirkaasi ka soo baxdayna waxay noqotay in Somaliland dhaqaalaheeda gaar loo siiyo iyada oo loo dejiyay habka gaar ah oo loo bixiyay Somaliland Special Arrangement (SSA). Guusha Somaliland uga soo hoyatay shirkaasi waxay dhirbaaxo indhaha kaga dhacday ku noqotay Maamulka Muqdisho oo u ham iyo dig lahaa si khalad ahna isaga dhaadhiciyay in Caawimada dunidu siinayso Somaliland iyaga la soo marin doono oo ay Somaliland sacabada hoos dhigan doonto Soomaaliya, waaba tii la ogaa shirkii Jaraaid ee 16kii September 2012 uu  Biljimka ku qabtay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kolba isaga oo dhinac isu lulaya si yaab lehna isu xamuurayaa uu ku hadaaqayay in Caawimada ay dunidu ugu deeqayso dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo dhan iyaga lasoo marin doono, Somalilandna ay ka mid tahay gobolada Soomaaliya oo ay siin doonaan wixii ay xaq u leeyihiin.

Xukuumada Soomaaliya imika ka dhisan  oo aan wax badan ka duwanayn Xukuumadahii macmalka ahaa ee  Labaatankii Sanadood ee u dambeeyay Muqdisho iska dhaxlayay oo dhamaantood noqday kuwo Siqiiray ayaa markiiba waxay u cusheen dhiilal iyo hadhuubo waaweyn oo loogu shubo caawimada ay Dunidu ugu yaboohayso soomaalida  iyo gaar ahaan lacagtii 1.8 Bilyanka Yuuro ahayd  ee shirkaas Biljimka lagaga yaboohay iyaga oo u malaynayay inay Bangiga Muqdisho ku soo dhici doonaan lacagahaasi ka dibna ay sida ay doonaan ugu tagrri-fali doonaan lacagahaas, jeebadahoodana ay ka buuxsan doonaan.

Nasiib wanaag Midowga Yurub oo ogsoon si fiicana uga warqaba in Maamulka Muqdisho uu yahay mid gacan ku rimis ah, Musuq-maasuqa iyo wax is dabo-marintuna ay tahay wax u caadi ah Madaxda Soomaaliya, sidoo kalana ka warqaba in malaayiin doolar ay durba Musuqmaasuqeen Madaxa Soomaaliya, ayaa waxay dunida iyo Midowga Yurub isku raaceen inaan wax dhaqaale ah ama wax lacag ah marnaba gacanta loo gelin Xukuumada Soomaaliya, maadama aanay lahay nidaam xisaabeed iyo ilaalin buuxda oo lagu xafidi karo hantida Ummadda. Waxaana go’aankaasi cadho weyn uu ku abuuray Xukuumada Soomaaliya oo Wasiirkeeda Arrimaha Debada Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille todobaadkii hore  u dirtay xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Brussels si ay Midiwga Yurub ugala hadasho  lacagihii dunidu ugu yaboohday Soomaaliya iyo sababta Xukuumada Muqdisho gacanta loogu soo galin waayay lacagahaas. Midowga Yurub waxa uu Marwo Foosiya ku wargeliyay inaanay wax lacag ah gacanta ka gelin doonin xukuumada Soomaaliya, waana sababta keentay in Marwo Foosiya Xaaji Aadan ay Af-labadii yeedho oo ay tidhaahdo Balanqaad mooyee Shilin lacag ah kama hayno Midowga Yurub 26kii bishan November, taasina waxay si weyn uga cadhaysiisay Midowga Yurub oo markiiba uu u hadlay Madaxa Horumarinta Midowga Yurub Commissioner Andris Piebalgs oo si cad u yidhi waxaan ka cadhaysanahay hadalka Foosiya ka soo yeedhay oo ah mid Been ah, waxa uu sheegay inay Soomaalida ku caawiyeen 50 Milyan oo Yuuro oo wax lagaga qabtay Caafimaadka, Waxbarashada iyo meelo kale gaar ahaana lacagtaas xooggeeda la galiyay Somaliland iyo maamul goboleeedka Puntland, waxa kale oo uu Mr. Andris sheegay inaan Midowga Yurub wax lacag ah gacanta u galin doonin laguna aamini karin Xukuumada Soomaaliya.

Marka aynnu ka nimaadno dhirbaaxada ku dhacday Xukuumada Soomaaliya ee ay Dunidu ka Aaminka baxday, bal aynu u nimaadno guulaha is daba joogga ah ee Somaliland usoo hoyanayay Todobaadyadii la dhaafay.

Jamhuurriyadda Somaliland oo hanatay Kalsoonida Midowga Yurub iyo Dunida 

28kii bishan aynu ku Jirno ayaa Xukuumada Somaliland ay Heshiis balaadhan oo lagu Horumarinayo Somaliland ay la saxeexatay Dawladaha UK iyo Denmark, heshiiskaas oo Xukuumada Somaliland toos loo siinayo lacag gaadhaysa  $60.5 Milyan oo Dollar oo ay Dawladahaasi si toos ah ugu shubeen Sanduuqa Horumarinta Qaranka Somaliland, waxaana la qorshaynayaa in lacagta Sanduuqaas lagu shubayo dhawaan la gaadhsiin doono $1.19 Bilyan Dollar, iyada oo Dawlado badan oo Caalamka ahina ay dhawaan soo raaci doonaan talaabada ay Dawlada Ingiriiska iyo Denmark ay qaadeen ee ay sida tooska ah Somaliland lacagta u siinayaan iyaga oo aan meel kale soo marin, waxaana ay tani muujinaysaa Kalsoonida ay Somaliland ka heshay Dunida, iyo sida ay Xukuumada Somaliland ee uu Hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay u tahay Xukuumad haysa dhabadii Horumarka, isla markaasna  Xukuumada Somaliland  ay dunidu u aragtay inay tahay Xukuumad Masuiul ah oo Dunidu ay Aamini karto, lana shaqayn karto, awwoodna ay Xukuumada Somaliland u leedahay inay Muwaadiniinteeda si Siman oo cadaalad ah ugu qaybsiyo Awoodda iyo Khayraadka Dalka, si cad oo aan madmadow ku jirina ay u ilaalin doonto Caawimooyinka Somaliland loogu deeqo. Taasina waxaa sii xaqiijiyay oo ka markaahti furay Dawladaha UK iyo Denmark oo qiray in ay Somaliland tahay Qaran la Aamini karo.

Dhinaca kale waxaa Todobaadyadii la soo dhaafay iska soo daba dhacayay Madaxda Dunida ee Somaliland booqanaysa, iyada oo Raxan Danjirayaal ah oo ka socda Wadamo tiro badani ay dhawaan Somaliland booqdeen, goob joogna ka ahaayeen Mashruuca  Caanaha ee Somaliland laga hirgalinayo  oo maaliyiin Doollar ay ku baxayso, waxaa kale oo Somaliland xafiisyo dhawaan ka furan doona Wadamada Turkiga iyo Kenya iyo wadamo kale oo badan,  iyada oo sidoo kalena ay sii kordhi doonaan Shirkadaha Caalamiga ah ee ka qayb qaadan doonaan soo saarista Khayraadka Dalkeena ku jira Sida Shidaalka iyo Macaadiinta kala duwan. Guntii iyo Gebogabadii waxa ay Xukuumada Somaliland sii laban-laabtay dedaalkeeda dhinaca diplomaasiyada oo indhaha ku soo jeediyay horumarka iyo isbedelada waxtarka leh ee ka jira Dalkeena Hooyo.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

kaysar@diplomats.com