Dawladnimo Waa Kala Dambayn iyo Duulaanka Cadawga oo lawada Difaacaaye – W/Q: Cabdirisaaq Askar

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Horumarka iyo Deganaanshiyaha Dalkeena  waxaa fure u ah in lagu kala dambeeyo oo la isku ixtiraamo Masuuliyadaha kala duwan ee ay u igman yihiin Madaxda Qaranku.  Si horumar usii jirana waa in xaalad kasta  oo dalka dibed kaga timaadana si wadajir ah looga wada hortagaa ama looga jawaabaa .

Sidaynu lawada socono, Qarankeena wakhtigan xaadirka ah waxaa lasoo darsay marxalado kala duwan oo ay kamid tahay weerarada siyaasadeed ee cadawgu usoo maleegayo  oo  ay maanta  taagan tahay in CADAAN (Ingiriis) IYO MADAWBA( Walawayn)  isku keen soo bahaysteen sidii loo curyaamin lahaa qaranimadeena, wadajirkeena , dawladnimadeena iyo horumarka iyo amniga aynu kusoo tacabnay 21 sanno.

Sidaa darted, waxaan maanta BAAQ udirayaa  guud ahaan MADAX IYO MIJO in si wadajir ah loogu  diyaar garoobo hujuumadaa bilawga ah  ee cadawgu inagu soo qaaday. waa in masuuliyiinta Hayadaha kala duwan sida Golayaasha XEER-DAJINTA , AXSAABTA MUCAARIDKA, XUKUUMADDA talada qaranka u igman  loo wada midoobaa . Waa in AFKA IYO ADINKABA la mideeyaa si aynu iskaga caabino duulaamada cadawga.

Talo;  Hadalada qaarkamid ah masuuliyiinta xeerdajinta iyo axsaabta qaranka kasoo burqanayaa waxay HIIL u yihiin Cadawga, waxayna  dhaawac u gaysanayaan Qaranimadda, ee waxaan leeyahay halaga digtoonaado.

Gabagabdii;  dhuuxa tuducyadan:

  • Dawladnimo Waa Kala Dambayn iyo Duulaanka Cadawga oo lawada Difaacaaye.
  • Dadwaynoow dabciga suuban baa lagu dawoobaaye
  • Mar haddaan  duligii  siyaad  jirin  oo duudka naga saran
  • Dulmigii Afweynana  uu daa,im naga qaaday Oo aan dawlad iyo maamul nahay shacabku soo doortay
  • Dawladnimadu waa daha guud oon la   daayicine oo shacbi  iyo dawlad  la iskuwada duubmo
  • Dawlad nimadu waa madaxda oo laga dambeeyaaye
  • Dawlad nimadu waa dunida ood nabad ku daaqdaaye
  • Dawlad nimadu waa shay khalqiga daa,im uu faraye
  • Dawlad nimadu waa qaranka oon wada daryeelnaaye

*     Dawlad nimadu waa dano wadaag daacad loo yahaye, hadaynaan dig toonaan dhamaan waynu dumaynaaye

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland