Dadka Saaxil: Tageer Cid kastoo wadda wadajirka umadda, Iska daa dacaayadaha nacaybka ku salaysan, Maalkaaga iyo muruqaaga ka mamnuuc Ololaha qabyaalada

Waxa la odhan jiray. Wax dhacay haddii hore loo arki jiray. Wixiisii baa lagu daweeyaa ama lagula daalaa. Haddii se waxa dhacay yahay wax aan hore loo arki jirin. “Subxaana Allaah’! Ayaa la yidhaahdaa.

 Haatan waxa aanu leenahay “Subxaan Allaah”! Waxyaalaha laga soo sheegayo Magaalada Berbera. Waxa aan weli hore loo arag dunida qof wayeela oo dadkiisii dab iyo fidno kula dhexjira

dadweynaha berbera2013“Subxaana Allaah”! Sow shalay ma ahayn iyo raadka qoyan markii dadka Reer Berbera diidayeen dagaalkii , colaadihii iyo barakicii uu la damacsanaa Adeerkay Xasan Gadhweyne.
Nin baa yidhi, “Laba walba isa saaray oo laba tagoogo weligay isma saarin”! Waxa ka dhigan dadkii Ab iyo Isirba u lahaa ilbaxnimada JSL ee reer Berbera oo  looga danbayn jiray caqliga, ilbaxnimada iyo talada wanaagsan in maanta laga soo sheego waxa la sheegayo,qabyaalada dhalinyarada loo tumaayo oo Xasan Gadhweyne hadana kula soo noqday  haddiiba ay jirto oo aanay saxaafadda qaarkeed afduub ku wadin. Alle kama dhigo ee haddii ay taasi dhacdo. Waxay arrimaha ka dhigaysaa sidii biyo sare tegay!
Ololihii doorashada ee  UCID ka sameysay Berbera ayaa si xun oo xoog leh lagu aflagaadeeyey qaar ka midda dadka Somaliland , ilaa iminkana Xasan Gadhweyne iyo Rag UCID u ololeynayaan kala fogeyn umada walaalaha ee wada degan magaalada Berbera , ragaas oo qabyaaladu madax martay ayaa si nacasnimo xitaa dhalinyaradii ubaxa ahayd ay la yaabanyihiin .

Qolooyinka shaqada ka dhigtay sidii Umadda la majara-hababinaayo waa inay kala gartaan Qabiilka Iyo Qaranka, dadkana halaga daayo aflagaadada. Caadifadaysan , iyadoo hab qabiil la adeegsanaayo, dadkani qax iyo dagaal daafad uma hayaan

mujaahidna mujaahid kama fiicna, qabiilna qabiil kama fiicna, qofna qof kama fiicna , dadku waa walaalo waa isku mid , malaa kuwa durbaankaa tumayaa , Marna siimaad Gal-galan , Marna soomaad Galgalan.

 Waxaan lenahay Oday Xasan Gadhweyne waa in aan hadalada xun xun ee kala fogeynta dadka walalaha aan dheg jalaq loo siin,, Xukuumada waxaa waajib ku ah siiba qolyaha sirdoonka iyo cid-du ay si toosa iyo si dabban loola socdo falalka uu ka wado Magaalada Berbera  siiba kuwa umadda walaalaha lagu kal geynaayo kuna mashquulsanyihiin

Dadka lagu shubaayo waa iney meel iska dhigaan qabyaalada, isla-markaana ay wada ogsoonadaan inay dumisay umada badan oo aynu ka mid nahay oo sharaftoodii, karaamadoodi iyo qaranimadiii ay lahayeen siiba, dhinac dhaqaale, aqoon, siyaasad isla markaane ay abuurtay kala tag iyo is aamin la’aan soo kala dhexgashay bulshadaasi

Waxaa loo baahanyahay  inay daruus ka bartaan ku dhaqanka qabyaalada , isla.mar ahaantaana uu Wasiirkii Hore waxbarashada Md, Xasan Gadhweyne iyo kooxdiisu maanta ay ka waantoobaan qabiilka una guntadaan qaranimada Somaliland ”Somaaliland weli wey liida , faraha iskuma taagi-karno, inagoo qabyaalada u durbaan tumayna, Waa inay dadka Berbera  dib u firiyaan waxa ka qaldan waxaana waajib ku ah inay ka dhaqaaqaan halka ay maanta taagan yihiin oo ah meel aan ku habooneen”

Marka qabiilka Qabiilnimo loo rogay ayaa wax walba naga xumaadaan oo ficilkii qabiilnimo ayaa hadda noqday sun iyo waabaayo kala geysey bahweyntii Reer Berbera isku duubnaan jirtey oo waddagi jirey walaaltinimo isku soo hirasho.

 Ceebu kuma jiri karto in qabiilka loo arko tilmaan beeleed oo keliya ee aan laga laalaadin kolmo ceebeed. Marka arritan dhabnimo loogu daadago, nin xun qabiil waa ka dhashaa, hase yeeshee Qabiil xun bulsho kama dhasho. Qabiilnimo lagu dhaato waxay keentay in midna kula xumaado mid kalena laga haybadaysto.  Hadaba waxba yaanu hadalku ila sii fogaane aan u soo noqdo dulucda hadalkeeyaga. Si aan xalka u garano iswaydii su’aalahan soo socda:

  • Qabyaaladii ina soo martay maxay inaga xumaysay berigaa
  • In wadajirki iyo is-dhexgalkii bulshadeed uu tirtiray qabiil, oo aanu jirin waqtigaa qof  aanu waxyeeladii qabyaaladdu taaban.
  • ·Isweyddiiyoo qabiilka aad ka dhalatay weligaa wax ma ku tareen? Mise iskadaa wax ay ku taraane waabay kugu daneysteen?
  • Metalanba haddiiba tolkaa la siiyo waxa ugu qiimaha badan ee dunida yaal, ma ku heshiin lahaayeen
  • Lafaha hoose iyo jilibyada uu ka kooban yahay tolkaa? Laftee baa xaq u leh in ay inta badan qaadato, teebaase xaq u leh in loo yareeyo qaybta? Sababtee (WHY?).
  • ·Somaliland Qabiilkee qabaa’ilka kale ka fiican amaba ka sarreeya?
  • ·Qabiilkee xaq u leh in uu u taliyo ummadda Somaliland guud  ahaan?
  • ·Qabiilkee gaadhay isku-fillaansho taama oo ka maarma in uu wax la wadaago Somaliland inteeda kale ?
  • Ma u malaynaysaa in Soomalilanders lagu xukumi karo ama wax loogu qaybin karo qabyaalad iyo dhalasho(ethnicity)? Jawaabtu ma tahay maya-maya?
  • ·Ummadda Somaliland ma tahay ummad isku-midab, isku-diin, isku-af, isku-dhaqan, oo weliba iswada dhalay? Waxa keliya oo aanu ku kala duwan nahay ma tahay magacyo dhalanteed ah oo odayaal hore oo reer miyi ah ay inoo kala bixiyeen (waa qabiil)?
  • Somaaliland maanta waa waddamada laga caabudo ama dadkeeda awrka lagu kacsado marka danaha siyaasiyaga la eegaayo keliya. Miyuusan ahayn qabiilku  kan hortaagan dib u nooleynta qarannimadeenna & horumarkeena.
  • ·Qabiilku miyuusan ahayn kan na baday sharaf-jabka, Qabyaaladdu miyaysan ahayn tay dad badan u geeriyoodaan tira badan u naafoobeen
  • Qabiilku sow ma aha kan ammin darida, cabsida joogtada ah, Qaxa, Dhimashada , Dhaawaca , dibu-dhaca , gaajada xanuunka badan, iyo darxumada u keena ummaddeenna. Kan aqoon yahannadeenii ka dhiga dan laawayaasha?
  • Qabiilku miyuusan ahayn kii inoo diiday in aan heshiinno oo dhisanno dugsiyo, isbitaallo, jidad iyo warshado iwm. Qabiilku sow ma aha kan dhaqankeennii ku salaysnaa Islaamnimada beddelay
  • Marka aad waxaas oo dhan qiimayso, miyaanay kuu muuqan dhibta qabyaaladi inagu hayso?

 

NB:- Taageer cid kastoo wadda wadajirka umada, Iska daa dacaayadaha nacaybka ku salaysan (hateful criticism), Maalkaaga iyo muruqaaga ka mamnuuc qabyaalad, Ka fogow ka-qaybgalka iyo qabanqaabinta shirarka qabyaaladeed, Garddaro qabyaaladeed ha taageerin, Ha u hoggaamin ummadda qabyaalad, Jooji murti-qabyaaladeedka, Jooji kaftanka qabyaaladeed, Ku-Dhawaaq in aad ka baxday qabiilka laguugu yeedho.

 

Allaaha Xaqa ha ina Waafajiyo  Dhamaanteen Aamiin

Waa Qalinkii , Siciid Osman Kooshin,

 Berbera /S/Land.