Cadaalad Darro Soo Ifbaxdiyo Xeer Qalqaloocisku Waa Horseedka Burburka Qaranimo.

Taariikhda marka aad dub u eegto dhamaan daryeelida xuquuqda aadama iyo daboolida baahida muwaadiniinta waxaa ugu horeeyey waa Islaam. Waxa kale oo Islaam xoreeyey xoriyada shaqsiga iyo sinaanta dhamaan mushtamaca maamul qayday masuuliyadooda.

Reer galbeedku waxyaalihii ay ka dhaxleen islaam kuna caano maaleen ayaa ahaa maamul wanaag, cadaalad iyo u hogaansanaanta qawaaniinta distoorka dalka…Hadaba inaga oo hada dib laynoo baraayo maamul wanaaga dal lagu xukumo waxii la doono haloogu yeedhee (Dimuqraadiyad) ayaa lamoodaa inaynu durtaba ku hafanay inaga oo aan kowba joogin…Dhaqan iyo caqiido ahaanba waxaynu ku abtirsana ISLAM oo ah binadii  intiisa wanaagsan wax hada loogu yeedho dimuqraadiyad  badhxan oo lagu badhxay waxii umadii dhigatay ee markaa u dhadhamay.

Waxaynu intii hore iska dabaal joogteynaba waxaa iminka soo ifbaaxaaya in uu maamulkani caadeysto oo lamooda inuu dhabaheedii qaadey waxyaalihii dumiyey dowlado badan oo ku yaal khaliijka.

Waxaa kow ka ah astaamahaa… xeer jajabka kolba ninkii doonaa uu iska marsanaayo sharciga uu doono, waxaa badatey xaqdaro  ku heshiinta sida Kulmiye iyo ururada qaar ka mid ah, yada oo weliba hantida shabka  ee sharciga S/land dhigaayo in loo siman yahay si gaar ah loo isticmaalaayo.

Isku soo wada duubo Reer S/Landnow miyeynu ka yeelnaa, ilaa madaxweyne, wasiiro, agaasimayaal, badhasaabo iyo waxii lamid ah oo u xagleynaaya doorashada golaha deegaanka iyaga oo hantideenii isticmaalaya?…

Miyeynu ka yeel in dowladu sii qorshayso oo tidhaa xisbi hebel ama urur hebel waanu reebaynaa oo madoonayno inuu soo baxo….

Miyeynu ka yeelnaa isagoon maamulkani kaalinqaadinba inuu sharciyo laynagu cabudhiyo  inoo samaysto?              Miyeynu ka yeel dalkeena intaas aynu soo dhisaynay in foodo lageliyo.

Waxaan haddaba dadka reer SoomaaliLand ugu baaqa inaanay ka aamusin sida qaloocan ee wax loowada

Madaxweynaha waxaan uga digayaa inuu dhaqan galiyo xeerka sirdoonka  ee kidiga ku ah madaxbanaanida warbaahinta iyo muwaadinkaba ee sida yar ee fudud lagu mariyey labada gole… Waxaa kale oo dowlada uga baaqayaa doorashada deegaan in ay faragelinta ka dayso, hantida umadda ee dowlada iyo dad xulufo la ahi ay ku adeegsanayaan si ay ugu sad bursadaan wax ka qabato.

ALLAHAYOW NIN DAACAD AH ALLAHAYOW NIN DAALIM AH DEEQDAA HOWSIM.

Alla weyn ninkii aamina awood leh.

Muhammad Jama Koodbuur-shiine

Gudoomiyaha UK ee Xisbiga UCID