Anaga oo ah dhalinyarada beesha BAH-GOBO (Sacad Muuse) waxaanu si buuxda ugu hambalyaynaa xilka Gudoomiyo-nimo ee loo doortay Xisbiga Kulmiye Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale, waxaan taageero buuxda u diraynaa go’aanka geesinimda leh ee uu ku dhawaaqay Musharaxnimada Jagada Madaxwayn-nimo ee Xisbul Xaakimka Kulmiye.
Sidoo kale, Jaaliyadda Beesha Bah-gobo ee Dalalka Jabuuti Iyo Ingiriiska ayaa iyaguna si buuxda u taageeraaya Musharxnimada Madaxwayno-nimo ee Xisbiga kulmiye Doorashada Soo socota.
- Gudoomiyaha Dhalinyarada: Mudane Abdilahi Saleeban Ali
- Gudoomiyaha Jaaliyada Jabuuti: Mudane Mawliid Cabdi Boodhle
- Gudoomiyaha Jaaliyada Bristol: Mudane Cumar Xaaji Adan Cigaal