Somaliland: Xukuumadda oo Awaamiir Adag Dul-dhigtay Gaadiidka U Kala Goosha Gobollada Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland ayaa maanta soo saartay wareegto meesha ka saaraysa in baraha Kaantaroollada ee dalka aanu dhaafi karin Gaadhi aan ruqasadda xamuulka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan wasaaradda Gaadiidka.

Waxa kale oo wareegtada lagu amray in gaadhi aan lagu xidhin xaddidaada xawaaraha gaadiidka iyo Warqada badqabka Gaadiidka aanu u kala gooshi karin gobollada dalka, waxaanay wasaaradda ku gooddiday in ciddii u hoggaansami wayda go’aankaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan iyo ganaax lacageedba.

Wareegtada oo Ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa lagu go’aamiyey; “In aanu kaantaroolada Dhaafi karin gaadiid aan ruqsadda ogolaanshaha rarka iyo rakaabka dadweynaha ka haysan wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland laga bilaabo taariikhda 6/10/2022. In aanu dhaafi karin Kaantaroolada dalka gaadhi aan lagu xidhin qalabka xadidaadda xawaaraha gaadiidka iyo warqada badqabka gaadiidka iyo In aan la ogolayn darawaliinta basaska rakaabka dadweynaha iyo alaabaha ee aan haysan liisanka darajada D.” Sidaas ayaa lagu yidhi Wareegtada oo intaas ku dartay in Ciddii u hoggaansami wayda awaamiirta wareegtadan waxa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 200,000 oo Shilinka Somaliland iyo xadhig waafaqsan xeerka wadda-marista gaadiidka ee Xeer Lr. 56/20133.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net