Xukuumadda Somaliland oo Soo Faro-gelisay Fadeexado Ka Soo Muuqday Maamulka Degmada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Dhexe ee Somaliland, ayaa soo faro-gelisay khilaaf iska-hor-imaad sababay oo ka taagan goob laga dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Degmada 26-ka June ee Magaalada Hargeysa.

Dowladda Hoose ee Hargeysa ayaa Jimcaha maanta bilowday dhegax-dhigga dhismaha Xarunta oo la qorsheeyey in laga hirgeliyo Suuqa Xoolaha ee Xisbiga ama Gobanimo oo ah Sayladda labaad ee ugu weyn Hargeysa.

Hawl-galka ayaa la bilaabay iyadoo aan dadweynaha ku ganacsanayey aan wax wargelin ah la siinin, waxaana tallaabadan ka dhashay iska-hor-imaad ay hoggaaminayaan xildhibaannada Golaha Deegaanka qaarkood iyo Ciidamo boolis ah oo ku fulinaya amar ka soo baxay Xafiiska Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo xilligan ku maqan safar dibadda ah.

Iska-hor imaadkan ayaa sababay in Xabsiga loo taxaabo Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo ka soo horjeeda in xarunta maamulka 26-ka June laga hirgeliyo Suuqa Xoolaha ee Gobanimo.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Ka Soo Horjeestay Hawl-galka Dowladda Hoose ku hirgelisay dhismaha maamulka degmada 26-ka June

Xildhibaannada la xidhay ayaa dhammaantood laga soo doortay degmada 26-ka June ee Hargeysa oo goor-dhawayd xabsiga laga sii daayey ayaa xadhiggoodu bannaanka keenay khilaaf huursan oo ka dhex jira Golaha Deegaanka Hargeysa oo laga dareemi karo in amarka go’aanka dhismaha lagu hirgelinayey ahaa mid u gaar ah Maayirka Hargeysa.

Haddaba, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Somaliland Mustafe Cali Maxamuud Godane oo u warramay telefishanka Sky maanta, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo faro-geliyeen isla markaana ka qayb-qaadanayaan xalka khilaafka ka taagan hirgelinta dhismaha xarunta maamulka 26 June.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Somaliland

“Wasaaradda hawlaha Guud ayaa soo faro-gelisay barnaamijkiina la wareegtay. Dadkii waanu is-aragnay xaaladdiina waanu soo dejinnay oo waanu la ballannay. Dowladda Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud oo wada-jir ah ayaa la kumaya, insha Allah wax Laysku af-gartay ayaa ka soo bixi doona,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Mustafe oo sheegay in dadweynaha goobta ku ganacsanayey xaq u lahaayeen in Dowladda Hoose ku war-geliso ka hor intii aanay bilaabin dhagax-dhigga dhismaha.

Qorshaha Dowladda Hoose goobtan kaga hirgelinayso dhismaha Xarunta maamulka 26-June oo khilaafkiisu muddo ka dhex aloosnaa Golaha Deegaanka, iyadoo xildhibaannada degmada laga soo doortay ka soo horjeedeen in xarunta maamulka degmada laga hirgeliyo Goob Suuq ah oo dad danyar ahi ku ganacsadaan.

Dadweynaha ku ganacsada goobta oo qaarkood warbaahinta la hadleen, ayaa tallaabada Dowladda Hoose ku hirgelinayso dhismahan ku tilmaamay qorshe u gaar ah Maayirka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ay ku eedeeyeen inuu meesha ka saarayo Sayladda labaad ee ugu weyn caasimadda Hargeysa.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu Maayarka Magaalada Hargeysa ku maqan yahay Safar shaqo oo uu toddobaadkan ugu baxay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya. Maayir Mooge ayaa sidan oo kale safar dibadda ah oo u baxay xilli uu khilaaf ka taagnaa dib-u-dhiska iyo qorsheynta Suuqii Gubtay ee Waaheen.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaa bannaanka keentay khilaaf huursan ee ka dhex-jira Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo fashil maamul ee ka dhex-jira maadaama oo dhacdadan noocan ah ee xildhibaannadu qaybta ka ahaayeen lagaga hortagi karayey wada-hadal iyo wada-xaajood dhexmara Maamulka Golaha Deegaanka oo Maayirku u horeeyo iyo Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee arrintani khuseyso.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net