Dekedda Berbera Oo La Wareegaysa Boqolkiiba 30 Badeecadaha Dalka Ethiopia

Dekedda Berbera oo la wareeegaysa boqolkiiba 30 badeecadaha Ethiopia

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa qorsheysay inay marsada Berbera daboosho baahida Boqolkiiba Soddon badeecadaha dalka Itoobiya u dhoofiyaan ama kala soo dagaan dibadda, kuwaas oo hore u soo mari jiray Dekedda Djibouti.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa warbaahinta Deutsche Welle u xaqiijiyey jiritaanka heshiis lagu hirgelinayo tallaabadan Oo dhawaan dhexmari doona labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya.

Maareeye Siciid Xasan Cabdilaahi waxa uu xusay in dekedda Berbera ay leedahay jid toos ah oo si sahlan ugu xidhaya Itoobiya, taasina ay fursad iyo doorashada u wanaagsan u tahay dalkaas oo tirada dadkiisa lagu qiyaaso in ka badan 120Milyan.

Waxa Maareeyuhu caddeeyay in marka heshiiskaasi hirgelo sannadka hore ay Itoobiya boqolkiiba 30 badeecadaheeda kala soo degi doonto dekedda Berbera.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa la filayaa inay muddo labo bilood gudahood ah ku qabyo-tiraan heshiis is faham oo bilowgii sannadkan ay kala saxeexdeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.

Heshiiskaas is-faham ayaa dhigaya inay Somaliland xeebaheeda 20km ka kirayso Itoobiya taas oo xukuumadda Addis Ababa u suurta-galinaya marin-badeed iyo saldhig ay ka hawl-galaan ciidamada badda ee Ethiopia.

Ethiopia ayaa taas beddelkeeda, sida heshiisku dhigayo, noqonaysa dalka u horreeya ee ku dhawaaqa aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland, iyadoo sidoo kale heshiisku suurta-galinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo amniga ah oo labada waddan yeelanayaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net