Somaliland Oo Turkiga Kala Hadashay Heshiiska Iskaashiga ee Somaliya Dhexmaray

Somaliland oo Turkey Kala hadashay heshiiska somalia

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa dalka Turkiga uga digay inay maraakiibtiisu ku soo xad-gudbaan xeebaha iyo Biyaha Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in maraakiibta dagaal ee Turkigu aanay iman karin xeebaha Somaliland.

Wasiir Ciise Keyd waxa uu ka dhawaajiyey inay xukuumad la xidhiidheen dowladda Turkiga, kuna war-geliyeen in aanay maraakiibtiisu soo geli karin xeebaha Somaliland.

Dr Ciise Keyd waxa uu ku dooday in Dowladda Turkigu ka war-hayso inay ciidamada xeebaha ee Somaliland gacanta ku hayaan ammaanka xeebaheeda isla markaanu aanu waxba ka qusaynin heshiiska iskaashi ee dhexmaray Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa uu arrintan kaga hadlay waraysi laanta Afsoomaaliga ee BBC-da waxa kaga weydiiyeen sida ay xukuumad ahaan u arkaan heshiiska dhinaca gaashaandhigga oo dhawaan dhexmaray Turkiga iyo Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net