Dagaal-beeleed Mar Kale ka Qarxay Deegaanka Dhaal Maygaag iyo Arrimaha Uu salka ku Hayo

Deegaanka Dhaal-Meygaag oo u dhexeeya degmooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle, waxa maalintii labaad ka socda Dagaal beeleed sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dagaal beeleedka Oo shalay gelinkii hore ka bilaabmay Balliga loo yaqaanno Dhaal-Meygaag oo Jihada Woqooyi kaga beegaan Buuhoodle, ayaan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabka ah ee ka dhashay, balse waxa wararka deegaanka laga helayaa sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Wararka aanu ka helayno deegaankaas, ayaa sheegaya inuu dagaalku bilaabmay gelinkii hore ee shalay kaddib markii malleeshiyo-beeleedyo ka soo jeeda degmada Buuhoodle weerar ku qaadeen goobo ay ku sugan yihiin malleeshiyaad ka soo jeeda deegaanka Qorilugud oo labadooduba ka tirsan gobolka Togdheer.

Ma jiro war ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ka soo baxay maamulka gobolka Togdheer, haseyeeshee wararka aanu ka helayno deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo labada beelood soo kala gaadhay.

Dirirta ka soo cusboonaatay gobolka Buuhoodle oo ay hore uga dhaceen dagaallo salka ku haya muran dhinaca dhulka ah oo Beelaha u dhexeeya, ayaa sababta uu dib uga bilaabmay deegaankaas lagu sheegay inuu salka ku hayo arrimo siyaasadeed oo xidhiidh la leh dagaalka u dhexeeya Ciidamada Qaranka iyo maleeshiyaadka Huwanta ah ee isku urursaday degmada Laascaanood.

“Kooxaha huwanta Laascaanood markay ku fashilmeen qorshihii dagaalka Laascaanood, waxay qorsheeyeen inay dagaalka ku fidiyaan deegaamada nabadda ah ee Buuhoodle iyo Togdheer si ay colaad u kala dhex-dhigaan shacabka walaalaha ah,” sidaa waxa yidhi xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Qorilugud oo warbaahinta la hadlay maanta.

“Markii Ciidanka qaranka lagu fashilmay ee awooddoodii daciiftay, waxay immika marayaan halkii u dambeysay oo awooddooda ayaad ka garanaysaa. Shacabka walaalaha ah waxaan ugu baaqayaa iska ilaaliya in la idiin soo raro colaadda Sool ka socota,” Sidaas ayuu yidhi Xildhbaanku.

Degaanka uu ku yaallo Balliga Dhaal-Meygaag oo masaafo 7KM ah Jihada Woqooyi-Galbeed kaga beegan deegaanka Sool-joogto, waxa hore uga dhacay dagaal-beeleedyo salka ku hayay Muran dhulka ah, waxaana dib u heshiisiinta iyo xalinta dagaal-beeleedyadaas si weyn uga qayb-qaatay Ciidanka Qaranka Somaliland oo kala dhex-galay isla markaana fadhiisimo ka samaystay deegaankaas.

Sidoo kale, intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2014-kii, waxa deegaanka Sool-Joogto hore dagaallo ugu dhex-mareen Ciidanka Qaranka iyo maleeshiyo-beeleedyo saldhiggoodu yahay Buuhoodle, kuwaas oo taageero ka helayay maamul-goboleedka Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jira abaabul dagaal oo 24-kii saac ee u dambeeyey ka socday deegaamada Qoriugud iyo Buuhoodle, waxaana jira gurmad ciidan oo soo gaadhay maleeshiyo-beeleedka dagaalku u dhexeeyo.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net