Wasiirka Gaashaan-dhigga oo ka hadlay weerarro Laba-geesood ah oo lagu soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo tirada Maxaabiis iyo Gaadiid laga qabtay Malleeshiyada

Hargeysa, 08 February, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami  ayaa ka hadlay dagaal gaadmo ah oo fadhiisimada ciidamada Qaranka ee deegaamada Sooljoogto ee gobolka Buuhoodle saaka ay ku soo qaadeen malleeshiyo beeleedyo hubaysan oo ka soo jeeda Deegaanka

Wasiir Cadami oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Hargeysa isla ka hadlaya xaaladda, wakhtiga dagaalka ayaa yidhi, “Waxaanaan  ku faraxsanayn ayaa dhacay, weerar gaadmo ayey xalay malleeshiyo qas-wadayaal ahi dhinaca Buuhoodle kaga soo qaadeen, Ciidammada Qarankuna way ka jawaabeen, hub laga qabsaday dib ayey ula soo noqdeen, dagaalkuna hadda wuu socdaa”

Wasiir Cadami waxa uu sheegay in dagaalku wakhtigaa socdo isla markaana malleeshiyada soo duushay oo aad u tiro badnayd ay ciidanka gaadeen, hase ahaatee, guutooyin Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsan oo gobolka Sool ka gurmaday ay dagaalka galeen. “Khasaaraha waxa hadda jira 12 Askari oo ka dhaawacmay Ciidanka Qaranka. Waxa dhacay kuna faani mayno, kana faani mayno.” Ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, hase ahaatee, waxa uu xusay in dhimasho jiri karto, inkasta oo uu sheegay inaanay wakhtigan xaqiijin karin xaddiga dhimasho ee jira, balse ay gadaal ka sheegi doonaan marka ay warbixin sugan helaan.

Dhinaca kale, warar laga helayo deegaannada Gambadha ee jiidda hore ee oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana ay Ciidammada Qaranka Somaliland fadhiisin ku leeyihiin ayaa la sheegayaa la sheegayaa inay soo weerareen Ciidammo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo malleeshiyo ka soo jeedda deegaannada Buuhoodle, kuwaasoo la sheegay inay Ciidammada Qaranku dhirbaaxo kulul ku dhufteen, isla markaana khasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qabashada maxaabiis badan iyo gaadiid ay kala hadheen ka dhashay jawaabta Ciidanka Qaranku ka bixiyeen weerarka gar-darrada ah.

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland

webmaster@somalilandpost.net