Madaxweyna Somaliland Oo Caalamka u soo Bandhigay Muhiimadda Heshiiska Ethiopia u Leeyahay Ammaanka Gobolka

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay JSL u halgamayso sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd beesha caalamka, kaasi oo ay ku taamaysay 33kii sannadood ee ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintan kaga hadlay waraysi uu siiyey Wargeyska Fanancial Times, waxa uu caddeeyay in heshiiska Isfahan ee ay la galeen Itoobiya uu Somaliland fursad u siinayo inay taageerto dedaalka caalamiga ah ee ilaalinta maraakiibta gacanka Cadmeed iyo badda cas. Halkaasi oo ay ka jirto qulqulatooyin nabadgelyo darro.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu bayaamiyay in Itoobiya ay saldhig millatari oo badda ah ka samaysanayso xeebta JSL, iyadoo Somaliland-na ay ku doorsatay in Itoobiya aqoonsato qarannimada madaxbannaanida Somaliland.

Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu xusay in heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen Itoobiya uu xaqiijinayo himilada iyo tubta loo marayo sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalamiya.

Madaxweyne Biixi wuxuu intaas ku daray in aqoonsigu uu u horseedi lahaa inay Somailand kasbato maalgelin dheeraada, iyadoo dhaqaalaha dalka oo ah $3.4 Bilyan Doolar uu ka soo galo Somaliland ganacsiga badda, xawaaladaha iyo dhoofka xoolaha.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadallada Soomaaliya ku andacootay in heshiiska Isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya uu kordhinayo kooxaha xagjirka ah.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegay inuu rajaynayo in ummadda Somaliland ay taageeri doonaan heshiiska ay xukuumadiisu la gashay Itoobiya oo ay socoto qorshihii lagu dhammaystiri lahaa.

Wargeyska Fanancial Times wuxuu weriyay in xafiiska madaxweynaha Somaliland uu yaallo nuqulkii heshiiskii Somaliland madax-bannaanideeda kaga heshay Ingiriiska sannadkii 1960kii, kadibna ay la midowday Soomaalidii uu xukumi jiray Talyaanigu, waxa kaloo ay ka hadleen halgankii qadhaadhaa ee ay Somaliland u soo martay dib u hanashada madax-bannaanida ay ku naalloonayso.