Somaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare oo la shaaciyey

Hargeysa (SM)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo H/Dhexe ee gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Somaliland Daa’uud Faarax oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey natiijooyinka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo bishii June ee sannadkan ay u fadhiisteen 32,849 Arday oo isugu jiray 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood oo wax ka barta dugsiyada H/Dhexe iyo kuwa sare ee dalka kuwo dowli ah iyo kuwo gaar loo leeyahayba, waxa uu guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadku sheegay inay guulaysteen ama gudbeen 31,645 arday halka 1,112 arday-na imtixaanka ku dhaceen.

Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax oo natiijada imtixaanka ku shaaciyey shir-jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay fasallada 8aad imtixaanka u fadhiisteen 21,168 arday oo 20,009 arday ay gudubtay, halka 850 arday dhaceen, taas oo ka dhigan in boqolkiiba 95 ardaydu guulaysteen.

Isagoo ka hadlayey tirada ardayda gudubtay imtixaanka fasallada 4aad ee dugsiyada sare, waxa uu yidhi, ”Dugsiyada Sare tirada guud imtaxaanka waxa u fadhiistay 11,589 arday, tirada dhacday waa 262, oo u dhiganta 2.28%, halkaa waxa la fahmi karaa in ardaydu dadaal muujiyeen waayo tirada dhacday aad bay u yar tahay marka loo eego sannadihii ka horeeyay”.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net