Somaliland: Ardaydii ugu tiro Badnayd oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare

Muxuu Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2020/2021 kaga duwan yahay kuwii Hore?

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe iyo fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare, ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo taariikhdu tahay 19-ka June, 2021 si rasmi ah uga furmay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2020/2021 oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu dhan tahay 32,849 Arday oo noqonaysa tiradii ugu badneyd abid ee imtixaanka u fadhiisata, ayaa isugu jira 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood.

Ardayda fasallada 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee saaka imtixaanka u fadhiistay, ayaa tiradoodu dhan tahay 21,148 Arday iyo halka ardayda fasalka 4aad ee Dugsiyada sare yihiin 11,701, kuwaas oo ka aflaxay waxbarashada 707 Dugsi H/Dhexe iyo Sare oo ku kala yaalla gobollada Somaliland, kuwaas oo isugu jira Kuwo dowli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay.

Sida ay tibaaxayso Xogta imtixaanka oo aanu ka soo xigannay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ardayda fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe saaka u fadhiistay imtixaanka, ayaa ka kooban 12,290 Wiil iyo 8,858 hablood oo dhammaystay waxbarashada 556 Dugsiyada H/Dhexe ee Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ku kala yaalla gobollada Somaliland.

Sidoo kale, Ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada Sare oo isugu jira 6,885 Wiil iyo 4,816 hablood, ayaa ka kala socday 151 Dugsi Sare oo ku kala yaalla guud ahaan dalka, laga soo bilaabo Gobolka Badhan ee Bariga dalka ilaa Gobolka Selal ee Galbeedka Dalka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka oo saaka warbaahinta la hadlay.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo kuwa Sare ee Somaliland oo sannadkan ay ka qayb-galeen tiradii ugu badnayd Ardayda sannad kasta ka aflaxda Dugsiyada dalka, waxa ay ardaydu saaka ku galeen 265 goobood, waxaana hawsha ilaalinta iyo Agaasinta Imtixaanka ka qayb-galay 3,980 hawl-wadeen oo ay ku jiraan 753 askari oo ilaalinaya ammaanka goobaha Waxbarashada.

Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo heer Qaran iyo Heer gobol leh, ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka qayb-galay furitaanka Imtixaanka, waxaana masuuliyiintan ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalo-madaxda Awdal ka daah-furay imtixaanka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2020/2021, ayaa ka sokow inay ka qayb-qaadanayaan ardaydii ugu tirada badnayd, waxa uu sidoo kale sannadihii hore kaga duwan yahay inay ka qayb-qaadanayaan hawl-wadeennadii ugu tirada badnayd iyadoo sidoo kale la kordhiyey goobaha imtixaanka lagu galayo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net