Somaliland: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyey Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo Kala Dhiman

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa maanta Dhaariyey 4 Xubnood oo ka mid ah 7-da Xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda.

Xubnaha la dhaariyey ayaa Codka kalsoonida ka helay Xidhibaannada Golaha Wakiillada oo fadhi ay yeesheen Isniintii toddobaadkan oo ku beegnayd 23-kii May, 2022 cod u qaaday toddobada xubnood ee Guddiga, waxaana codka kalsoonida xildhibaannada waayey Saddex xubnood oo ka mid ah guddiga.

Afarta Xubnood ee la Dhaariyey ayaa kala ah Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim,  Maxamuud Xasan Bade, Aadan Geedi Qayaad iyo Cabdalle Ibraahim Maxamed

Munaasibadda Dhaalinta ayaa ku qabsoontay madaxtooyada Somaliland, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

Xubnaha Guddiga Diiwaangelinta ururrada ee Golaha Wakiilladu ansixintooda diideen, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Maxamuud Axmed Obsiiye.