Golaha Wakiillada Somaliland oo Ansixiyey Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka oo madaxweynaha Somaliland hore u magacaabay.

Fadhiga Golaha Wakiillada ee maanta oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, isla markaana ay ka soo xaadireen 67 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa la horkeenay toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda oo madaxweyne Muuse Biixi magacaabay bishii January ee sannadkan.

Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda, ayaa kala ah Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi, Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim, Aadan Geedi Qayaad, Cabdalle Ibraahim Maxamed, Mukhtaar Cabdi Jaamac, Maxamuud Xasan Badde.

Afar Xubnood oo ka mid ah Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada, ayaa golaha Wakiillada cod-aqlabiyad ah ku ansixiyey, halka saddex xubnood oo ka mid ah ay xildhibaannadu diideen.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo cod gacan-taag ah geliyey ansixinta Guddiga, ayaa tirinta codadka ay heleen kaddib shaaciyey natiijada codadka xildhibaannada ee ay kala heleen xubnaha Guddiga.

Codadka ay kala heleen Toddobada xubood ee Guddoomiyuhu shaaciyey , ayaa u dhignaa sidan:-

  1. Siciid Maxamed Cilmi, waxa oggolaaday 41 xildhibaan, waxa diiday 19 mudane, 6 xildhibaan baa ka aamusay
  2. Maxamuud Xasan Bade, waxa 42 oggolaaday, 14 baa diiday, 10 baa ka aamusay
  3. Aadan Geedi Qayaad, 42 xildhibaan, 16 baa diiday, 9 baa ka aamusay
  4. Cabdalle Ibraahim Maxamed 42 oggolaaday, 14 diiday, 10 baa ka muusay
  5. Maxamuud Axmed Obsiiye 41 mudane, 21 baa diiday, 4 baa ka aamusay
  6. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim 43 oggolaaday, 15 diiday, 8 baa ka aamusay
  7. Mukhtaar Cabdi Jaamac 41 oggolaaday, 12 diiday, 14 ka aamusay.

Saddexda xubnood ee u guul-darraystay inay ka gudbaan ansixinta Golaha, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Maxamuud Axmed Obsiiye oo saddexdoodu helay midkiiba 41 Cod oo ah kala badh codadka xildhibaannada Goluhu ka kooban yahay

Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa muddo-xileedkooda oo 10 sanno ahi ku egyahay dhammaadka sannadkan, waxaana la filayaa in diiwaangelinta ururrada siyaasaddu bilaabmaan bisha Lixaad ee sannadkan, maadaama oo xeerka Furista ururrada ee Xeer Lr14 dhigayo in diiwaangelinta ururrada siyaasadda la furo lix bilood ka hor wakhtiga uu ku egyahay muddo-xileedka Xisbiyada.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda, waxaanay ku doodayaan in doorashada madaxtooyada oo ku beegan dhammaadka sannadkan la qabto, waxaanay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada xisbi isla markaana uu u soo saari lahaa laba xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net