Somalia: Raysal-wasaare Rooble oo la kulmay Agaasimaha Cusub ee NISA iyo Wararkii u dambeeyey ee Xiisadda Kiiska Ikraan Tahliil

Kulanka raiisalwasaare Rooble iyo taliyeyaasha2

Muqdisho (SLpost)- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay Taliye uu si ku-meelgaadh ah ugu magacaabay hay’adda sirdoonka dalkaas ee NISA oo ay weheliyaan hoggaanka maxkamadda ciidammada qalabka-sida iyo Taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Mr Rooble ayaa faray xeer ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida in ay baadhitaan Deg-deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsansirdoonka Dalkaas, taas oo la sheegay in la dilay.

Warku waxa uu intaas ku daray in Raysal-wasaaruhu faray Agaasimaha uu sida ku-meel-gaadhka ugu magacaabay NISA oo lagu magacaabo Jen. Bashiir Gaboobe iyo taliyeyeyaasha Nabad-sugidda iyo Booliska gobolka Banaadir in ay Maxkamadda ku gacan-siiyaan gudashada waajibkeeda maadaama oo sida uu Ray-wasaaruhu sheegay ay jireen caqabado ka hor-yimi guddi hore loogu saaray baadhista kiiska Ikraan Tahliil.

Kulanka Raysal-wasaaraha, Agaasimaha ku-meel-gaadhka ee NISA iyo Taliyeyaasha ayaa ku soo beegmaya saacado kaddib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu soo saaray go’aan uu ku diiddan yahay shaqo-ka-joojinta Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, kulanka ayaa ku soo beegmay xilli Raysal-wasaare Rooble taageero xooggan gudaha dalkaas kaga helay go’aanka uu shaqada kaga joojiyey ninka ay Farmaajo saaxiibka dhow yihiin ee Fahad Yaasiin.

Madaxda maamul-goboleedyada qaarkood, Midowga Murashaxiinta, Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyey go’aanka Raysal-wasaaraha Soomaaliya shaqada kaga joojiyey Fahad Yaasiin.

Gen. Bashiir Gaboobe

Kiiska Ikraan Tahliil, ayaa xurguf siyaasadeed oo xooggan ka dhex-abuuray Villa Soomaaliya xilli dalkaasi u diyaar-garoobayo doorashada xildhibaannada Labada Aqal baarlamaanka ee dalkaas. Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si rasmi loogu wareejiyey inuu la wareego hoggaaminta maamul iyo siyaasadeed ee dalkaas muddada doorashada ka hadhsan maadaama oo madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ka mid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Dalkaas oo ay soo dooran doonaan Xildhibaannada ku soo bixi doona Doorashada Baarlamaanka oo loo muddeeyey dabayaaqada sannadkan inay ka qabsoonto dalkaas.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net