Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo taageeray Go’aanka R/wasaare Rooble, Diginiina u firay Farmaajo

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye

Muqdisho (SLpost)- Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku taageereen go’aanka uu raysal-wasaaraha Soomaaliya shaqada kaga caydhiyey Agaasimaha hay’adda Sirdoonka ee NISA Fahad Yaasiin.

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye

Madaxda Dhaqanka ee Beelaha Hawiye oo shirkooda ka soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxa ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu dusha u ridan doono masuuliyadda wixii ka dhasha isku-day kasta oo lagaga hor-yimaaddo go’aanka Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

War-murtiyeedka Odayaasha Dhaqanka Hawiye waxa lagu sheegay inuu go’aan geesinimo leh oo dalka Soomaaliya lagu bad-baadinayo uu qaatay Raysal-wasaare Rooble, sidaa awgeed loo baahan yahay in lagu garab-istaago.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye