Shirkadaha Telesom, Somtel iyo SO! oo ku tartamay Mashruuc loo fulinayo Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay Afar mashruuc oo loo fulinayo Xukuumadda JSL.

Guddiga Qandaraasyada ayaa Afarta mashruuc oo ay ku tartameen in ka badan 20 shirkadood daah-furay Isniintii Toddobaadkii hore, waxaanay mashaariicdani kala ahaayeen barnaamijka Isku xidhka hay’adaha iyo wasaaradaha dowladda, Dhisme Cusub oo lagu kordhinayo Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee degmada Gar-adag oo cusbitaal loo beddelayo, Dhisme Cusub oo loo dhisayo Xeer ilaalinta Qaranka iyo Dhismaha Xarunta Isku-xidhka Hay’adaha Dawladda.

Kulan maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga oo lagu shaaciyey natiijada qandaraasyada loo tartamaya iyo magacyada shirkadaha ku guulaystay, waxa ka-qayb-galay xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Wakiillo ka socday Shirkadaha mashaariicda ku tartamay iyo qaar ka mid ah masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda ee Mashaariic loo fulinayo.

Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sheegay in dhammaan mashaariicdan laga maalgelinayo miisaaniyadda Qaranka ee sannadkan 2021-ka.

Guddoomiye Nuux Maxamed oo kulanka ka xaadiriyey magacyada saddexda shirkadood ee ku guulaystay mashaariicda, waxa uu sheegay in mashruuca Isku-xidhka Xafiisyada hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowladda ay ku tartameen Afarta shirkadood ee Telesom, Somtel, SO! iyo GTS isla markaana ay ku guulaystay shirkadda SOMTEL.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net