Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daah-furay Mashaariic kala duwan iyo Tirada Shirkadaha ku tartamaya

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Saddex Mashruuc oo loo fulinayo hay’adaha Dowladda, kuwaas oo fulintooda ay ku tartamayaan 24 Shirkadood oo 3 ka mid ahi ku soo bixi doonaan fulinta mashaariicda.

Mashaariicda ay Guddigu daah-fureen qandaraasyadooda, ayaa kala ah Dhisme Cusub oo lagu kordhinayo Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee degmada Gar-adag oo cusbitaal loo beddelayo, Dhisme Cusub oo loo dhisayo Xeer ilaalinta Qaranka, Dhismaha Xarunta Isku-xidhka Hay’adaha Dawladda.

Munaasibadda daah-furka tartanka qaraasyada saddexda Mashruuc ku qabsoontay hoolka shirarka xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka Qayb-galay xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda ee Mashaariic loo fulinayo.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda daah-furka mashaariicda ka hadlay guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo faahfaahin ka bixiyey noocyada Qandaraasyada iyo tirada shirkadaha fulintooda u tartamaya, kuwaas oo uu xusay in laga maal-gelinayo miisaaniyadda Dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha mashaariicda loo fulinayo ee xukuumadda, waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan isla markaana la shaqayn doonaan shirkad kasta oo ku guulaysata qandaraaska dhismaha.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa la filayaa inay labada maalmood ee soo socda ku shaaciyeen saddexda shirkadood ee ku guulaysta fulinta saddexda Mashruuc.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net