Natiijada Tartan loo galay 10 Mashruuc oo Xukuumaddu ka hirgelinayso Gobollada Dalka

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay fulinta Toban Mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelinayso dalka.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa hore u daah-furay tartanka loo galay Qandaraasyada 10-ka Mashruuc oo 132 shirkado muwaadiniin ahi ka qayb-galeen.

Mashaariicda xukuumaddu ka hirgelinayso gobollada dalka qaarkood, ayaa kala ah Dhismaha Deyrka Xafiiska Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee degmada Balligubadle, Dhismaha Xarun Caafimaad oo laga hirgelinayo Degmada Gar-adag, Doonyo iyo Laashash loo doonayo dowladda, Dhismaha Deyrka Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Burco, Dhismaha Xarunta Hawl-gabka Shaqaalaha Dowladda iyo Mashaariic kale.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada Tartanka loo galay 10-ka Mashruuc, waxa goob-joog ka ahaa xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Agaasimaha Fulinta Guddiga, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ugu horeyn ka hadlay kulanka, ayaa xaadiriyey magacyada Mashaariicda loo tartamay, tirada shirkadaha ku tartamay iyo shirkadaha ku guulaystay fulintooda.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Hadallada ay kulanka ka jeediyeen Masuuliyiinta Guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo Shirkadaha ku tartamay mashaariicda.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net