Guddiga Qandaraasyada oo Daahfuray 10 Mashruuc oo ay ku tartamayaan 133 Shirkadood

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Mashaariic xukuumaddu ka fulinayso gobollada dalka, kuwaas oo fulintooda ay u tartamayaan 133 Shirkadood.

Munaasibad lagu daah-furay tartanka qaraasyada 10 Mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelnayso dalka oo maanta ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka Qayb-galay xubnaha Guddiga, Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha dowladda, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey noocyada Qandaraasyada iyo tirada shirkadaha fulintooda u tartamaya, guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo sheegay inay tartanka ka qayb-galeen 133 Shirkadood oo laga dhex xulan doono 10 shirkadood oo fulinaya mashaariicdan.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net