Hay’ad Hore Ma Ka Soo Shaqaysay: Caqabad Dhalinyarada Ka Haysata Helista Shaqooyinka? – W/Q: Cabdifataax Sh. Nuux

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed siilaanyo oo muddo laba sanadooda xilka talada dalka haysay, ayaa ku guuladaraysatay inay jihayso boqolaal arday oo sanadkasta ka qalin jabiya Jaamacadaha dalka, kuwaas oo bilaa Camal awgeed u yuurura  suuqyada iyo goobaha  laga cabo shaaha, halkaas oo lagu arko dhalinyaro badan oo subax kasta ku ururasan goobaha Joornaalada lagu iibiyo ee badhtamaha suuqa Hargeysa iyo suuqyada kale ee gobolada.

Ardaydaas oo intooda badani ay yihiin Ardaydii Jaamacadaha ka qalin jabiyay oo markii shaqooyin ay waayeen ay dantu baday in qaar badan oo ka mid ah ay dalka ka Suudaalaan (Tahriibaan), iyagoo qaar badan oo ka mid ahina ay badaha shisheeye ku naf waayeen in badan oo ka mid ahina ay hada hayaan tubtii kuwii ka horeeyay ay qaadeen.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo iyagu awood dhaqaale oo ay ku Tahriibaan waayay ayaa ay bilaa Camal ku yihiin dalka gudihiisa kuwaasi oo marka aad aragto aad Is odhanayso malaha waali ayay inyar u jiraan, halka qaar kalana ay shaqo la’aantu ka dhigtay sidii wax waalan oo aad arkayso iyagoo si hoos hoos ah isula hadlaya, hadaba iyada oo ay jirto camal la’aantaasi  ayaa boqolaal  dhalinyaro ahi doorkasta ka qalin jabiyaan  Jaamacadaha dalka oo ay waliba sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa  tirada Jaamiciyiinta bilaa Camalka ku ah dalka gudhiisa, kuwaas oo marka aad la sheekaysato ay kuu soo qadimayaan waayahooda Shaqo la’aaneed ee ku gedaaman iyo rajo la’aanta ay ka muujiyaan in Mustaqbalkoodu mar uun is bedelo oo dalkooda ay ku badhaadhaan iyaga oo aan dibad u bixin.

Hadaba dhalinyartan shaqo la’aantu haysato ayaa ku doodaya inaanay jirin meel ay u shaqo tagaan iyada oo wadanka ay joogaan boqolaal hayadood oo ajaanib ahi kuwaasi oo sheegta inay ka shaqeeyaan arimaha bini-aadanimada( Humanitarian) iyo hayada kale oo badan oo ah kuwa qaramada midoobay hoos taga kuwaasi oo buux dhaafiyay guud ahaan Somaliland,goobkastana  aad ku arkayso boodh ka taagan iyo hayad cusub oo aan hore magaceeda loo maqlin, kuwaasi  oo aan haba yaraatee aan wax shaqaale ah ka qaadan wadanka gudihiisa, balse shaqaalahooda oo ajaanib ah ka soo qorta wadamada Kenya iyo dalalka jaarkooda ah taasi oo ay ugu danbayay ninkii kinyaati ahaa ee dhaqan xumada wadanka looga saaray oo ku shaqaynayay bishii $18000 dollar , hadaba dhalinyarada ayaa ku andacoonaya  in maalinkasta la soo xayaysiiyo shaqooyin yar -yar oo kooban kuwaasi oo looga dhigayo in shaqada si cadaalad ah loo qaadanayo tusaale ahaan , shaqo kasta oo la soo xayaysiiyo waxaa ay ku xareeyaan 800 dhalinyaro ah iyo in ka badan iyadoo loo baahan yahay hal boos oo kaliya (1 Possiton), taasi oo ay ku qamaamaan  dhalinyaradaasi si ay inuun rajo uga dhigtaan, balse ayaan darada jirtaa waxay tahay marka booskii kaliyaata ee ay ku qamaameena loo qoondeeyo qof  uu nin madax ahi keenay ama qofkii loo qaadan lahaaba uu sii joogo booska taasi oo ay hayadu mariso habkeeda ( system-keeda ) shaqo, si ay hadhaw ugu doodo inay soo xayaysiisay booskaasi, taasi oo iyaduna ah niyad jab kale oo tagoogaha ka jabiyay dhalinyaro badan, kuna kalifay inay hadh cad ka hayaamaan  wadankoodii oo rag kale ka xoogsanayo.

hadaba wasaaraha arimaha bulshada iyo qoyska ayaa iyaduna aan noqon wasaarad doorkeeda ka ciyaarta dhibaatooyinkaa ay dhalinyarada ka cabanayaan, taasi oo inta badan  ka mashquushay hawlihii loo igmaday, inkasta oo ay mar ku dhawaaqeen in dadka ka shaqeeyaha hayadaha ee ajaanibka ahi ay wadanka ka baxaan hadana dhag jalaq umay siin hayadahaasi waxaanay u arkayeen hadal la iska yidhi oo bilaa ficila, si kastaba ha ahaato  ee Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaan samaynin qorshe ay ku hawlgalinayso Jaamiciyiinta tiro dhaafay ee wehelka u noqday shaqo la’aanta, iyadoo ay jiraan qoysas ay shan walaalo ah oo Jaamiciyiin ahi ay guri qudha ka soo wada toosaan iyagoo bilaa Camal ah, taas oo aakhirka ay ka dhalan karto kacdoono ka dhasha shaqo la’aanta. Hadii Xukuumadu aanay siyaasad cad ka yeelan hawlgalinta iyo jihaynta ardayda bilaa camalka ah ee shaqo la’aantu daashatay sidoo kalena aanay la xisaabtamin hayadahan caalamiga isku sheegaya ee shaqooyinkii ay muwaadiniintu qaban lahaayeen ku taxay dadka ajaanibka ah taasi oo maalinkasta shaqo yar oo uu qaban karo arday jaamiciyi sida , Admin assistance, finance assistance, logistic assisantance, project mgh assistance, hrm assistance iyo shaqooyin la hal maala oo ay ka adag yihiin dhalinayrada bilaa camalka ahi. Ayaa  hadana Maalin kasta laga soo dajiyo Airport hargaysa dad ajaanib ah  taasi oo marka ay wadanka soo galayaan lagu sheego inay yihiin la taliyayaal( Consultants ) balse ayaamo yar ka dib markay wadanka soo cago dhigaan loo dhiibo shaqooyinkaa hoos hoose, taasi oo adhax jab iyo uqaadan waa ku noqotay dhalinyarada kuna kaliftay inay ka tashadaan oo ay u shaqo tagaan nafahooda si ay masiirkooda dhalinyaro u hagaajistaan, si kastaba ha ahaato ee caqabadan hayadaha dalka jooga ee ajaanibku buux dhaafiyay ayaa ah hal-xidhaale aan la furfuri karayn kaasi oo laq-matul xashar ku noqday dhalinyarada iyo xukuumadaba, dawadeena aan hore loo heli karin, balse dadka falanqeeya arrimaha bulshada ayaa eedoo dhan dusha ka saaray inaan lala xisaaabtamayn hayadahasi , shaqsigii  la xisaabtan is yidhaahdana ay boqolaal kun oo dollar ay afka ka soo galiyaan kuwaasi oo u sheega inaanu arimahadooda soo fara galin, guntii, gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan u soo jeedin lahaa in arimahaasi hadii aan wax laga qaban la arki doono Somaliland oo dhalinyarada jaamiciintu ka hayaameen  iyadoo mustaqbalka wadankuna uu noqon doono mid bilaa horumara dhalinyarada awgeed.

C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email:Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

Social Activist