HARGEYSA: Dowladda Hoose oo Faafisay Tirakoob Khilaafsan Xogta Covid-19 ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Hoose ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta soo faafisay macluumaad ku saabsan tirada dadka magaalada Hargeysa ugu geeriyooday Safmarka Covid-19, taas oo warbixin ay dhawaan soo saareen Guddiga heer Qaran ee xakamaynta Caabuqa Coronavirus.

Guddiga Covid-19 ayaa warbixinta ay dabayaaqadii bishii March soo saareen, lagana hor akhriyey shirka Golaha Wasiirrada Somaliland, waxay ay ku sheegay in saddexdii bilood ee u dambeeyey uu kor u kacay isla markaana si uu xooggan dalka ugu faafay xannuunka Covid-19, waxaanay warbixintooda ku sheegeen in 29 qof ay xannuunka ugu geeriyoodeen bishii March guud ahaan dalka.

Guddigu waxa ay warbixintooda ku sheegeen in saddexdii bilood ee u dambeeyey ay xannuunka Covid-19 u geeriyoodeen 44 qof guud ahaan gobollada dalka.

Haseyeeshee, Agaasimaha Arimaha bulshada iyo Kobcinta Bilicda caasimada ee hargaysa Khadar Yuusuf Cali oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in dowladda Hoose ee Hargeysa ay ka qayb-qaadatay aasas loo sameeyey 47 Qof oo bishii March ee la soo dhaafay xannuunka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Hargeysa.

Warbixinta uu Agaasimuhu shaaciyey ayaa gebi ahaanba ka hor imanaysa ama Khilaafsan warbixin ay soo saareen guddiga Covid-19 iyo hay’adaha caafimaadka ee Somaliland.

Guddiga Covid 19 ka iyo Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa hore u sheegtay cidii soo gudbisa warbixin ka duwan warbixinta Wasaaradda in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.

Warbixinta Agaasimaha Waaxda Arimaha bulshada iyo bilicda caasimadda Hargaysa khadar Yuusuf Cali ayaa ku soo beegmaya Xili uu soo laba kacleeyey caabuqa Coronavirus.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net