Golaha Wasiirrada Somaliland oo Go’aamo ka soo saaray Xaaladda Covid-19 iyo Kor-u-kaca Qiimaha Shidaalka

Hargeysa (SLpost)- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta Warbixinno Lagaga Dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Ganacsiga iyo Diinta & Awqaafta.

Saddexda Wasiir ayaa golaha ka horjeediyey warbixinno ku aaddan Xaaladda xannuunka Covid-19 ee dalka, xaaladda Abaar baahsan oo ka jirta gobollada dalka iyo kor-u-kaca ku yimi Qiimaha Shidaalka.

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo noqonaya fadhigii 72aad ee ay yeeshaan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqalka ee Internetka (Teleconference), kaas oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxaana warbixinno ku saabsan hawl-qabadka wasaaradahooda lagaga dhegaystay Wasiirrada Ganacsiga Cumar Cali Cabdilaahi, Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Diinta & Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, wasiirka Horumarinta Caafimaadka, ayaa ugu horeyn golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharraxay heerka kor u kaca xannuunka ee saddexdii bilood ee ugu dambeeyey sannadkan, waxaanu sheegay in muddadaas xannuunka laga baadhay dad tiradoodu gaadhayso 13,453 qof oo 898 ka mid ah xannuunka laga helay, isla markaana inta laga war-hayo ay xannuunka u geeriyoodeen 44 qof.

Waxa uu Wasiirku warbixintiisa ku xusay tirada dadka laga baadhay, kuwa laga helay iyo kuwa u geeriyooday bil kasta saddexdii bilood ee ugu horreeyey sannadkan ee January, February iyo March.

Waxa uu sheegay in Bishii January ee sannadkan xannuunka laga baadhay 4,339 qof oo 59 ka mid ah laga helay, halka 2 qof u geeriyoodeen. Bishii February, waxa uu xusay in laga baadhay 5,059 qof oo 232 ka mid ah laga helay halka 13 qofna u geeriyoodeen. Halka bishan March cudurka laga baadhay 4,055 qof oo 607 ka mid ah laga helay Covid-19 halka 29 qofna u geeriyoodeen, sida lagu xusay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa lagu yidhi, “Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19.

Dhinaca kale, wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto.

Wasiirku waxa uu xusay in biyo-dhaamiskan oo xukuumaddu ay qaybisay wakhtigii ay deegaannadaasi aad ugu baahnaayeen inay biyo helaan, hadii gurmadkani dib uga dhici lahaana ay ku tagi lahayd dadkaasi inay ku iibsadaan guud ahaan lacag ka badan 154,000 oo doolar (Boqol iyo Afar iyo Konton Kun oo dollar), balse ay dedaal balaadhan xukuumaddu gelisay sidii dadkaasi loo gaadhsiin lahaa biyo bilaasha oo ay qaybinayeen Booyadaha dawladdu ugu tallo gashay inay wakhtiga abaaraha bulshada harraaddan u dhaamiyaan, horena loogu iibiyey gurmadka abaaraha.

Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay).

Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey.

Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah.”

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net