Ex-Wasiir Xaglatoosiye oo Dimuqraadiyad ku majeertay Xisbiga Kulmiye

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed, ayaa Xisbiga kali ah ee dalka ka jira ee nidaamka dimuqraadiyaddu si hufan uga hana-qaaday ku tilmaamay Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu ka tirsan yahay.

Saleebaan Xagla-toosiye oo hadal ka jeediyey Xaflad maanta loo qabtay Xil-wareejinta Xoghayihii hore iyo Xoghayaha Cusub ee Xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay in muddadii uu joogay dalka ama ku soo biiray siyaasadda Somaliland inaanu ku arag Xisbi la mid ah Kulmiye oo qaabka doorashada hoggaanka iyo hannaanka xil-isku-dhiibkiisu la mid yahay xisbiga Kale.

“Muddadii aan ka tirsanaa ama joogay Somaliland, maan arkin xisbiyada waddanka ka jirta xisbi ka mid ah oo Xoghaye la beddelay uu xoghayihii beddelay xilka ku wareejinayo… inta badan waxa dhacda marka xisbi xilka ka qaado xoghaye, wuu cadhoodaa oo meelahaasuu ka hadlaa, laakiin waxaan aad u hambalyeynayaa labada xoghaye oo labadooduba xisbiga ah,” Sidaas ayuu yidhi Ex-Wasiir Xaglatoosiye.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Ex-wasiir Xagla-toosiye

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net