“Xannuunkan Covid-19 dalkeena aadbuu ugu fidayaa oo waxaad mooddaa inuu halkii u sarreysay marayo” – Madaxweynaha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xannuunka Xannuunka Covid-19 uu si xawli ah ugu baahay dalka isla markaana uu marayo halkii sarreysay, isagoo xusay in tirada dadka ee xannuunku ku dhacay ka badan tahay tirada kiisaska ee la xaqiijiyey sababo la xidhiidha inaanay jirin tiro ku filan oo mishiinnada xannuunka lagu baadho ah.

Guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka hawl-gala oo yaalla Hal Mishiin oo ah nooca lagu baadho Xannuunka Covid-19, kaas dhawaan laga hawl-galiyey cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa, kaddib markii ay badhtamihii bishii April dalka keentay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Somaliland ugu deeqday.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalku u baahan yahay Mishiinnada Xannuunka lagu baadho oo laga hawl-galiyo magaalooyinka waaweyn ee dalka si loo ogaado tirada rasmi ah ee dadka xannuunku asiibay, waxaanu xusay inay xukuumad ahaan ku hawlan yihiin si loo helo Mishiinnada Covid-19 lagu baadho oo ku filan guud ahaan dalka.

“Xannuunkan Adduunka Saameeyey ee Covid-19, dalkeena aadbuu ugu fidayaa, waana caadadiisa oo marka hore lama dareemo inta aanu fidin oo marka dadka u horeeyey uu soo rito ayaa la dareemaa. Markaa waxaad moodaa inuu maanta halkii u sarreysay marayo. Walina waxaanu raadinaynaa oo in aynu helno ay tahay mashiinnada lagu baadho xannuunkan oo aynu u helno magaalooyinka waaweyn, hawshoodiina waa lagu jiraa, kala go’a diyaaradaha iyo adduunyadan kala xidhan awgeed way adag tahay in wixii la dalbaday la keeno,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u mahad-celin u jeediyey isla markaana hawsha ay qaranka u hayaanna ku ammaanay Guddiga Xakamaynta Covid-19 ee uu guddoomiyaha ka yahay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay shaqo wacan qabateen.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu u mahad-celiyey maal-qabeennada iyo Ganacsatada Somaliland ee ka qayb-qaatay taakuleynta Covid-19, kuwaas oo guddiga Covid-19 ku wareejiyey Lacago Kaash ah iyo Agab Caafimaad.

Dhinaca kale, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta xaqiijiyey 18 kiis oo Coronavirus ah oo laga helay dalka, kuwaas oo mid ka mid ahi u geeriyooday xannuunka Covid-19.

Tirada kiisaska Coronavirus ee la xaqiijiyey guud Somaliland, ayaa gaadhay 121, kuwaas oo Siddeed (8) ka mid ahi ka bogsadeen, halka dadka u dhintay xannuunka uu caabuqani sababo ee Covid-19 yihiin Sagaal (9) qof, sida ku xusan warbixinta wasaaradda Caafimaadka Somaliland u soo bandhigtay warbaahinta.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net