Somaliland: Tirada Kiisaska Covid-19 iyo Dadka u geeriyooday oo Korodhay iyo Warbixintii u dambaysay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa maanta shaacisay 18 Kiis oo Cusub oo ku soo kordhay Dadka la xaqiijiyey inay Qabaan Cudurka Covid-19 ee Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaad Dr Maxamed Xergeeye oo maanta bulshada la wadaagayey warbixinta maalinlaha ee xogta Xannuunkan Covid-19, waxa uu sheegay in baadhitaano ay sameeyeen 24-kii saacadood ee u dambeeyey lagu xaqiijiyey 18 Qof oo laga helay Cudurka Covid-19, kuwaas oo mid ka mid ahi u geeriyooday Xannuunka.

Xogta maanta la shaaciyey, ayaa ka dhigaysa tirada guud ee dadka la xaqiijiyey inuu haleelay cudurka Covid-19 gudaha Somaliland 121 Qof oo Siddeed ka mid ahi ka bogsadeen cudurka, halka tirada dhimashaduna noqotay 9 qof, sida ku xusan mareegta Somalilandcovid19 oo ay wasaaradda Caafimaadku u samaysay keydinta xogta maalinlaha ah ee Xannuunkan.

Warkan oo faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka hoose

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net