Ronaldo: “Sannadka oo dhan ayaan dadka Aamusiyaa, qeyladoodana dheg uma Dhigo”

SLpost Sports – Weeraryahanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuusan waxba u arkin taageerayaashii ku ooriyay kulankii ay 4-0 kaga badiyeenCyprusee isreebreebka Euro 2012.

Xiddiga Real Madrid ayaa door muhim ah ka ciyaaray guushii xulka Portugal isagoo dhaliyay labo gool, oo uu kala dhaliyay labadii qeyb ee ciyaarta.Ronaldo ayaa qaylo  uu kala kulmay taageerayaashii New GSP Stadium, iyadoo taageerayaasha Cyprus  ay ku dhawaaqayeen magaca xiddiga Barcelona Lionel Messi oo xafiiltan uu kala dhaxeeyo xiddiga reer Potugal.

Ciyaarta ka dib ayaa ciyaaryahankii hore ee Manchester United uu sheegay inuusan dhegba u dhigin hadaladii ay ku hadaaqayeen taageerayaasha xulkaCyprus.“Sannadka oo dhan ayaan dadka aamusiyaa. Waxba kama soo qaado waxa ay dadka kale sameeyaan ama yidhaahdaan” ayuu yidhi Ronaldo

“Waxaan doonayaa inaan sii wado shaqadeyda, xilli ciyaareedkan waxaa ku bilowday qaab fiican, goolal muhim ah, waxaana doonayaa inaan sii wado.”

Mar wax laga weydiiyay xaalada saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Ricardo Carvalho oo xarunta tababarkaPortugalka dhaqaaqay maalintii arbacada Ronaldo waxa uu yidhi:“Wixii dhacay haatan waa soo dhamaadeen, tababare Paulo Bento arintaan mar hore ayuu ka hadlay, waxaan ka qabno kooxda ayay ku ekeeneysaa”.