Isku-Aadka Wareegga 16 Champions League oo Shaaciyey: Real vs Man City, Chelsea vs Bayern Munich iyo Kooxo Adag oo Isku beegmay

 

Hargeysa (SLpost)- Waxa goor-dhawayd la soo saaray Isku-aadka Wareegga 16-ka kooxood ee Tartanka Kooxaha Yurub ee Champions League, iyadoo shaxda Isku-aadka ay ka muuqato inay isku soo beegmeen Kooxihii ugu Adkaa ee Horyaallada ugu waaweyn Qaaradda.

Afarta Kooxood ee tartanka ugu soo baxay Horyaalka Premeir League, ayaa laba kooxoodba la ciyaari doontaa laba Kooxood oo ka kala socda dalalka Spain iyo Germnay.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester City, ayaa lugta hore ee tartanka u socdaali doona Caasimadda dalka Spain iyagoo la ciyaari doono labada kooxood ee Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Kooxaha Chelsea iyo Tottenham, ayaa la kala ciyaari doona kooxaha ka dhisan horyaalka Bundisliga-ha ee Bayern Munich iyo RB Leipzig.

Saddexda Kooxood ee Horyaalka Serie A Talyaaniga uga soo baxay, ayaa laba ka mid ahi la ciyaari doonaan laba kooxood oo ka dhisan horyaalka La Liga ee dalka Spain, halka kooxda saddexaad ee Juventus la dheeli doonto kooxda horyaalka Fransiiska ka dhisan ee Lyon.

  • Horyaalka Premier League waxa u soo baxay Afarta kooxood ee Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Tottenham.
  • Horyaalka La Liga, waxa u soo baxay Kooxaha Valencia, Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid.
  • Horyaalka Serie A waxa u soo baxay Kooxaha Juventus, Napoli iyo Atlanta.
  • Horyaalka Lige 1 waxa u soo baxay Paris St Germain iyo Lyon.
  • Horyaalka Jarmalka ee BundisLiga waxa u soo baxay Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo RB Leipzig

Hoos ka Daalaco Shaxda Isku-aadka 16-kooxood ee Champion League

Borussia Dortmund vs Paris Saint-Germain
Real Madrid vs Manchester City
Atalanta vs Valencia
Atletico Madrid vs Liverpool
Chelsea vs Bayern Munich
Lyon vs Juventus
Tottenham vs Leipzig
Napoli vs Barcelona