Roman Abramovich oo Iska Iibinaya Naadiga Chelsea iyo Milicsiga Guulihii uu Kooxda Gaadhsiiyey

London (SLpost)- Maal-qabeenka u dhashay waddanka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa shaaciyey inuu iska iibinayo Kooxda Chelsea ee ka dhisan horyaalka Ingiriiska.

Abramovich oo da’diisu tahay 55-jir, ayaa go’aankan shaaciyey kaddib markii uu soo food-saaray culays xooggan oo kaga yimi dowladda iyo Shacabka Ingiriiska tan iyo markii ay Ciidammada Ruushku duulaanka ku qaadeen dalka Ukraine.

Waddamada reer Galbeedka, ayaa cuna-qabatayn ku soo rogay dalka Ruushka iyo Maalqabeennada u dhashay dalkaas oo uu ka mid yahay Bilyaneerkan oo haatan go’aansaday inuu iska iibiyo kooxda Chelsea oo uu iibsaday sannadkii 2003-dii.

Qoraal uu ku shaaciyey go’aankiisa oo lagu baahiyey website-ka Kooxda Chelsea, waxa uu Maalqabeenku ku yidhi, “Waxaan jeclaan lahaa inaan ka hadlo wararka la isla dhexmarayo maalmihii lasoo dhaafay ee la xidhiidha lahaanshahayga kooxda Chelsea. Sida aan horeba u sheegay, waxaan mar walba qaadan jiray go’aamo dan u ah Kooxda.”

“Anigoo ka Duulaya Xaaladda Xilligan jirta, waxaan qaatay go’aanka ah inaan kooxda iska iibiyo, waxaan aaminsanahay inay tani dani ugu jirto kooxda, taageerayaasha, shaqaalaha iyo sidoo kale shirkadaha heshiiska kula jira,” sidaas ayuu Maalqabeenkani ku yidhi qoraalkiisa, isagoo intaas u daray, “Iibka Kooxda ma noqonayo mid deg-deg ah laakiin wuxuu mari doonaa nidaamka saxda ah, ma doonayo in wax deyn ah la isiiyo. Inaan ganacsi ama lacag ka sameeyo umaan iibsan kooxda, laakiin waxay iga ahayd xiisaha aan u qabo ciyaarta kubadda cagta iyo kooxdaba.

Abramovich waxa uu sheegay inuu Hawl-wadeenada Kooxda ku adkeeyey sidii ay u samayn lahaayeen mu’asasad samafal ah oo loogu deeqi doono dakhliga ka soo xerooda Iibka,  isla markaana lacagtaas loogu deeqi doono Dadka waxyeelladu ka soo gaadhay dagaalka Ukraine.

“Waxaan faray kooxdayda inay aasaasaan mu’asasad samafal ah oo dhammaan dakhliga saafiga ah ee iibka ah loogu dhammaan dhibbanayaasha dagaalka Ukraine, waxaana ka mid ah bixinta lacagaha muhiimka ah ee ku wajahan baahiyaha deg-degga ah ee dhibbanayaasha,” sidaas ayuu yidhi Roman Abramovich oo intaas ku daray, “Fadlan ogow in kani uu ahaa go’aan aad u adag in aan qaato, wayna I dambqaysaa in aan kooxda uga tago qaabkan.”

Roman Abramovich waxa uu ugu dambayn macasalaameeyey Kooxda iyo taageerayaashooda, isagoo xusay inuu markii u dambeysay noloshiisa isagoo ah mulkiilaha Chelsea uu booqan doono Garoonka kooxda Stamford Bridge, waxaanu yidhi, “Waxaan rajeynayaa inaan awoodi doono fursad aan markii u dambeyusay ku booqdo Stamford Bridge si aan Shaqsiyan dhammaantiin idiin macsalaameeyo, waxay ii aheyd mudnaan gaar ah oo aanan ilaabi doonin inaan ka mid noqdo kooxda Chelsea, waanan ku faanayaa guulaha aynu wadajirka u gaadhnay, mana iloobi doono Kooxda Chelsea iyo Taageerayaashaba.”

Maal-qabeenka Ruushka ah ee Roman Abramovich ayaa tan markii uu iibsaday kooxda Chelsea sannadkii 2003-dii, waxa uu ballaayin dollar ku kharash-gareeyey dhismaha iyo Horumarinta Kooxda hadday tahay dhinaca ciyaartoyga iyo Agabkaba, waxaanu muddadaas 20-ka sanno ku dhow kooxda gaadhsiiyey Guulihii ugu badnaa ee ay abid ku guulaysato tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1905-tii, isagoo u suurta-galiyey inay kooxda keeno ciyaartooy magac ku yeeshay kubadda cagta.

Chelsea waxa ay muddadaas ku guulaystay 21 Koob oo isugu jira Tartannada Gudaha Dalka Ingiriiska, horyaallada qaaradda Yurub iyo sidoo kale horyaalka Kooxaha Dunida, kuwaas oo ay ka mid yihiin 5 Premier League, 5 FA Cup, 2 League Cup, 2 Community Shield oo ah Tartannada kubadda cagta ee laga ciyaaro gudaha dalka UK.

Sidoo kale, Chelsea waxa ay ku guulaysatay 2 EUFA Champions League, 2 EUFA Europa League, Hal EUFA Super Cup iyo ugu dambayntii Hal Fifa Club World Cup oo kooxdu sannadkan ku guulaysatay.

Abramovich ayaa macasalaamaynaya Kooxda Chelsea oo xilligan haysata Horyaalka Kooxda Qaaradda Yurub iyo Horyaalka Kooxaha Adduunka.

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.net