Taageerayaasha Arsenal Oo Lagu Xidh-xidhay Dalka Uganda kaddib Guushii Kooxda Manchester United

Kampala (SLpost)- Siddeed ka mid ah taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa lagu xidh-xidhay magaalada Jinja ee dalka Uganda, kaddib markii ay dammaashaad u sameeyeen guushii Kooxdu ka gaadhay kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo shalay dhexmaray Kooxda Manchester United.

Taageerayaasha ayaa xidhnaa Shaadka Casaanka ah ee Kooxda, waxaanay siteen Koob Macmal ah oo ka dhigan in kooxdoodu sannadkan iska leedahay guusha Horyaalka Premier League-ga.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay inaanay Dadkani haysan oggolaansho ay Isu-soo-bax iyo dammaashaad ku qabsan karaan, sidaa awgeed ay taageerashaadu ku kaceen xadgudub ka dhan ah shaciga.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadihii u dambeeyey ee ciyaarta dhalisay Goolka ay ku guushu ku raacday, iyadoo ciyaartu ku dhammaatay 3-2 guushu ku raacday Kooxda Gunners.

Natiijada kulanka xalay ayaa kooxda Arsenal u saamaxday inay Shan dhibcood ku hoggaaminayaan Tartanka Horyaalka Ingiriiska, waxaanay tani rejo buuran ku abuurtay taageerayaasha Caalamka ku kala sugan ee Kooxda Arsenal oo muddo 19 sanno ah ka qatan Koobka Horyaalka.

Taageerayaasha reer Uganda ee Arsenal ayaa la xidh-xidhay kaddib markii ay subaxnimadii hore ee Isniinta maanta isugu baxeen jidadka magaalada iyagoo wata kolonyo baabuur ah oo ka mid ah la saaray Koob Macmal ah oo loo ekaysiiyey Ka Horyaalka Premier League.

“Ma Garan karo waxa aanu gaysanay, laakiin waxa aanu u dabbaal-degaynay oo kaliya guushii aanu ka gaadhnay Manchester United,” waxa sidaa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah taageerayaasha la xidhay.

Taliyaha Qaybta Booliska magaalada Jinja James Mubi oo lagu yaqaanno inuu yahay Taageerayaasha Kooxda Arsenal, ayaa BBC News u sheegay inaanay wali hubin kiiska loo haysto taageerayaasha, balse uu la yaabban yahay sababta keentay inay damaashaan xilli uu kala badh marayo xilli-ciyaareedka horyaalka Premier League.

Ciyaartoyga Arsenal oo u dabbaal-degaya Guusha kulankii Xalay

“Maxaa dhici lahaa haddii gacan ka hadal ka dhex qarxo taageerayaasha kooxda ay ska soo horjeedaan? Ciidanka booliska kumay soo war-gelin si ciidamo ilaaliyo loo siiyo,” ayuu yidhi Taliye Mubi oo dhinaca kale dedafeeyey in xadhigga taageerayaashu xidhiidh la leeyahay xadhigga joogtada ee lagula kaco xubno ka tirsan Xisbi Mucaarad ah oo taageerayaashiisu xidhaan Shaadh midabkiisu casaan yahay.

Kooxaha Arsenal iyo Manchester United, ayaa taageerayaal badan ku leh dalka Uganda iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxaana dalka Uganda ciyaaraha lagu daawadaa hoolal waaweyn oo cooshado ka samaysan oo had iyo jeer la buux-dhaafiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net