London: Maxkamad Xukun ku Ridday Difaaca kooxda West Ham ee Kurt Zuma

London (SLpost)- Maxkamad ku taala Bariga magaalada London, ayaa danbi ku heshay ciyaartoyga booska difaaca uga ciyaara kooxda West Ham ee Kurt Zouma, waxayna ku xukuntay 180 saacadood oo adeeg bulsho ah, ka dib markii lagu soo oogay dacwad uu maxkamadda ka hor qirtay.

Dacwadda lagu oogay ayaa ahayd jidh-dil u geystay bisad gurigiisa joogta.

Kurt Zuma ayaa hadal-hayntiisu si weyn u soo baxday bishii February ee sannadkan kaddib markii la faafiyey muuqaal laga duubay isagoo jidh-dil u geysanaya bisad, taas oo cadho xooggan ka dhalisay gudaha dalka Ingiriiska iyo baraha bulshadu ku xidhiidho.

Yuan oo ah wiil ay walaalo yihiin Ciyaartoyga, ayaa duubay muuqaalka waxaana codkiisa laga maqlay muuqaalka isagoo qoslaya, waxaana laga arkayey Kurt Zuma oo eryanaya bisadda ka hor intii aanu laad iyo dharbaaxo madaxa kaga dhufan bisadda, isagoo uu arkayo wiilkiisa yar oo 7 jir ah, sida lagu baahiyey warbaahinta Ingiriiska.

Kurt Zuma iyo walaalkii Yuan oo 23 jir ah, ayaa iska xaadiriyey Maxkamadda Thames ee Bariga London toddobaadkii hore si ay u qirtaan eedeymaha loogu jeediyey inay ku xadgudbeen xayawaankan.

Garsoore Susan Holdham oo soo saartay xukunka, ayaa sheegtay subaxnimadii Arbacada, in labada walaalaha ah ay ka qaybqaateen dhacdadan oo lagu tilmaamay inay ceeb ku tahay sharciga dalka Ingiriiska.

Kurt Zouma ayaa lagu xukumay 180 saacadood inuu u adeego bulshada, halka walaalkii lagu xukumay 140 saacadood. Labada walaalaha ah ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay dhaqdaan xayawaanka bisadaha shanta sano ee soo socota, sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee AFP.

Kooxda West Ham oo ka faa’idaysanaysa xukunka maxkamadda, ayaa ciyaartoyga ku ganaaxday lacag dhan $340,000 oo u dhiganta mushaharka laba todobaad, halka shirkadda agabka ciyaartoyga samaysa ee Adidas ay go’aansatay inay joojiso qandaraaska xayaysiiska ee ay kula jirto ciyaartoyga.

Kurt Zuma walaalkii, Yuan, oo ah ciyaar u ciyaaraha kooxda Dagenham & Redbridge oo ka tirsan Heerka Shanaad ee Horyaallada dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in kooxdiisu ganaax ku ridday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net