Yemen: Dad lagu laayey Salaadii Ciidda.

Sanca(SLpost)– Ugu yaraan shan ruux ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar lagu qaaday masjid ku yaal magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen.

Goob jooge iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in qaraxa uu burburiyay masjidka Balili oo ay maamuulaan falaagada xuutiyiinta shiicada. Waxay sheegeen in ruuxa is qarxiyay uu qarax kale ka geystay albaabka dhismaha, kaddib markii dadkii cibaadeysanayay ay isku dayeen inay cararaan.

Weerarka ayaa dhacay intii la tukanayay saladda ciidda. Waxaa kaloo jiray dhowr qarax oo kale oo ay kooxda dowladda Islaamku ka geysteen magaalada Sanca, kuwaasi oo Shiicada u arka kuwa khilaafsan diinta Islaamka.

Xuutiyiinta ayaa maamulo dhowr gobolka oo Yemen ah, waxayna caasimadda qabsadeen sanad ka hor.