Xuska Sannad-guurada Aasaaskii SNM oo Hargeysa lagu qabtay iyo khudbadihii laga jeediyey

Hargeysa, 07 April, 2012 (SLpost)- Munaasabad Lagu Xusayey sanad guurada 31-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM oo ku beegnayd 6 bisha April ay Maanta lagu qabtay Xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ee Magaalada  Hargaysa.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta JSL Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta Mudane Faysal Cali Sheekh, Agaasimaha Xafiiska Samafalka madaxtooyada, Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Madaxa xafiiska Xidhiidhka dadweynaha ee madaxtooyada Cismaan Awr-Liqe iyo Mujaahidiin ka tirsan Jimciyadda Sooyaal.

Ugu horayn Gudoomiyaha Jamciyadda Sooyaal Xasan Cabdi Muxumed oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey xuska  maalintaasi, waxana uu sheegay in Lixda April ay ku beegantay maalintii shalay oo Jimce ahayd  sidaa darteedna munaasabadda xuskeeda dib loogu soo riixay maanta oo Sabti ah.

Gudoomiyahu waxuu sheegay in dal waliba ama umad waliba ay xaq u leedahay inay xusto taariikhdeeda, isagoo iftiimiyay in nabadgalyada, Dhismaha dawladnimo iyo hanaanka dimuquraadi ee aynu hoos hadhsanayno ay yihiin midhihii ka dhashay halgankii Hubaysnaa ee Ururkii Xaq u dirirka SNM horseedka ay ka ahaayeen isagoo intaas ku daray in baahi weyn loo qabo sidii aynu qaran ahaan u daryeeli lahayn Naafadii iyo Agoontii SNM, taas oo lagu muunaynayo ayuu yidhi halgankaas ay nafo badan iyo hanti aan qiyaas lahaynba aynu ku weynay.

Agaasimaha xafiiska samafalka ee Madaxtooyada Marwo aamina maxamuud Diiriye oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa uga mahadcelisay ka soo qayb galayaasha Xuska Maalintan gaar ahaan aasaaskii Xarakadii SNM, waxaa kale oo ay u mahadcelisay kaalinta ay haweenku ka qaateen halgankii SNM.

Marwo Aamina Maxamud Diiriye waxay ku boorisay Mujaahidiinta SNM in si kastoo cabasho u jirto, hadana la odhan karo sida ay sheegtay inaynu maanta ugu rajo fiicanahay waxaanay cadaysay in ay tahay arrin muhiimadeeda leh in gudoomiyihii  ugu waqtiga dheeraa ee Ururkii SNM uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland .

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Wacyigelinta JSL Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, oo isna munaasabadaai hadal dheer ka jeediyey ayaa tibaaxay in SNM ay ahayd jabhad balaadhan oo ay dhamaan ku wada jireen Bulshadu, isla markaana leh hadaf cad oo  ay tiigsanaysay ,waxaanu meesha ka saaray inaanay jirin cid keli ahaan u sheegan karta ururkan laakiinse uu ahaa ayuu yidhi mid ka dhexeeya dhamaan mujtamaca Somaliland wada dega.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale “Boobe”  waxa uu sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus badan ,maadaana la xusayo ayuu yidhi Kow iyo Sodon Guuradii ka soo Wareegtay markii magaalada London ee cariga Ingiriiska lagaga dhawaaqay ururka SNM taas oo ku astaysnayd 6 bishii april 1981kii isla markaana mudo yar kadib fadhiisimo ciidan ku yeeshay Xuduuda ay wadaagaan labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland  waxaanu intaas raaciyay in baahi loo qabo sidii si dhamaystiran loo qori lahaa Taariikhda Ururkii Xoreeyay Somaliland .

Wasiirka Warfaafintu waxaa kale oo uu xusay Arinta maanta ina hor taallaa ay  tahay ayuu in daraasad balaadhan laga sameeyo baahiyaha aasaasiga ah ee ay mujaahidiintu qabaan, iyaguna ay toshaan halkii ay wax ku shuban lahaayeen, isagoo cadeeyay in xukuumadda uu ka tirsan yahay  ay ballanqaadayso inay la socoto xaalada mujaahidiinta dalkan xorayntiisa u soo dagaalamay.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland