Xulka Germany oo Markii Afraad loo Caleemo-saaray Xiddigaha ADDUUNKA, 18 sanno ka dibna Argentina ka Aar-goostay

SPORTS (SLpost)- Xulka qaranka Germany ayaa loo caleemo saaray Xulka Aduunka , kadib markii ay 1-0 kaga qaadeen koobka caalamka xulka Argentina ciyaar labada qaran ku dhex martay garoonka Maracana ee caasimada Brazil ee Rio De Janeiro.

GERMANYCiyaar aad u adag oo ahayd tii u dambeysay tartanka kooba aduunka oo mudo soddon cisho ah ka socday wadanka Brazil oo Argentina iyo Germalka ku dhex martay garoonka Maracana Stadium ayaa 90 kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tallo gallay, la isla dhaafi waayay barbar dhac 0-0 ah , xulna aanay u suurto gallin inay wax gool ah la yimaadaan.

GERSoddon kii daqiiqo ee lagu daray qaybtii koowaad waxay ku dhamaatay waxba la’aan, laakiin aakhirkii xulka Germany waxa u suurto-gashay inay gool keensadaan qaybtii labaad ee wakhtiga lagu daray,  sidaasna ku qaaday biladii loo tartamayay ee koobka adduunka.

Gool uu shabaqa dhigay Xidiga Mario Goetze oo ciyaarta beddel ku soo gallay ayaa ugu filaaday Germany inay ku guulaystaan koobka adduunka ee 2014-ka, waxaanay guushani tirada koobabka Adduunka ee dalka Germany haysto ka dhigaysaa koobkii 4aad ee ay qaadaan.

TAAGERGuusha Xulka Germany ka gaadhay kulankan, ayaa uga dhigan inay markii u horeysay ka aar-gutaan xulka Argentina oo koobkan ka qaaday Final-ka Koobkii Adduunka ee sannadkii 1986-kii oo labada xul isugu soo baxeen.

Xulka Germany oo haysta rikoodhka dalka ugu badan ee gaadha Final-ka Koobka Adduunka oo ah siddeed Jeer, waxa uu kulankani u noqonayaa markii labaad ee ay qaadaan Koobka Adduunka Afartii Jeer ee u dambeeyey ee ay soo gaadheen Final-ka Koobka Adduunka.

Ugu dambayntii, guusha Xulka Germany caawa ku hantay Koobka Adduunka, ayaa ka dhigaysa inay horseed ka noqdaan Rikoodhka ah Dalkii u horeyey Qaaradda Yurub ee Koobka Adduunka ku Qaada  Qaaradda Latin Ameerika.

SOMALILANDPOST.NET

Sport News Desk