Xukuumadda Somaliland oo Shirkii Ugu Ballaadhnaa Ka yeelatay Xaaladda Ammaanka Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulan ku saabsan xoojinta Amniga, Isu xogwaraysi, wada shaqaynta laamaha kala duwan ee Amniga, maamulka Degmooyinka Caasimada iyo Badhasaabka Gobolka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kulanka oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda ay ka qayb-galeen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed iyo Saraakiisha Ciidan Booliska Somaliland, oo uu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) iyo Kuxigeenkiisa.

Sidoo kale waxa shirka ka soo qayb galay Maayorka Caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge Mooge, Guddiga fulinta Dowladda HOose iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Shirkan oo noqonaya kii ugu ballaadhnaa ee ay isugu yimaaddaan qaybaha dowladda ee qaabilsan maamulka iyo sugidda ammaanka dalka, waxa kale oo ka qayb-galay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Qaranka Faysal Guhaad Cabdi, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed, Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud.

Warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa lagu sheegay in ujeeddada shirkani la xidhiidho adkaynta nabadgelyada. “Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faray Hay’adda amniga in ay tallaabo ka qaadaan cidkasta oo isku dayda in ay waxyeelayso ama khalkhal geliso xasiloonida iyo nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, taasoo ah mid aan ciyaar ku iman ee ku timid dedaal iyo naf hur.

Ugu danbayntii, cidkasta oo isku dayda in ay amniga wax u dhimaan iyaga oo ku soo dhuumanaya Mudaharaad sharci darro ah tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa,wixii ka yimaadana waxaa qaadaya masuuliyadeeda ciddii soo abaabushay.

Shacabkana waxaa loogu baaqayaa in ay la shaqeeyaa Ciidamada nabadgelyada, kana fogaadaan cidkasta oo wada dhibaato lagu waxyeelanayo nabadgelyada iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

Shirkan lagaga tashaday sugidda ammaanka dalka ayaa ku soo beegmay iyadoo xisbiyada mucaaradka ahi toddobaadkii la soo dhaafay ay taageerayaashooda ugu baaqeen inay bannaan-baxyo ka dhigayaan gobollada dalka, kaddib markii lagu kala kacay wada-hadallo u socday Xukuumadda, kuwaas oo xal loogu raadinayey muran ka taagan qabsoomidda doorashooyinka ururrada siyaasadda iyo madaxtooyada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net