Xukuumadda Somaliland oo looga digay inay sii Kordhaan Dilalka Qorsheysan ee Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Shacabka gobolka Sool ayaa loogu baaqay inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan xaaladda ammaanka degmada Laascaanood oo la sheegay inay dhici karaan dilal qorsheysan oo intii hore ka badan, kuwaas oo lala xidhiidhiyey inay qorsheysanayaan kooxo cadow ku ah Somaliland oo dowladda Soomaaliya u horeyso.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan hawl-gallo ay ka fulisay magaalada Laascaanood ku mastaafurisay dad ajaanib ah oo u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo lala xidhiidhiyey inay ku lug lahaayeen dilal qorsheysan oo galaaftay nolosha masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda ee gobolka Sool.

Tallaabada ay xukuumadda Somaliland qaatay waxa cambaareeyey dowladda Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho iyo madaxda maamul-goboleedyada dalkaas qaarkood oo dowladda Somaliland tuhunsan tahay inay ka dambeeyeen, lacagna ku bixiyeen khal-khalgelinta ammaanka gobolka Sool.

Haddaba, Xeel-dheere Ismaaciil Cabdilaahi oo ku nool magaalada Hargeysa, ayaa ka digay in dowladda Soomaaliya sii kordhiso dilalka qorsheysan ee Laascaanood oo lagu eedeeyey inay ku lug-leedahay si ay ugu qiil samayso dhawaaqa hore uga soo yeedhay ee ay kaga soo horjeedday Mastaafurinta Dadka Ajaanibka ah ee laga saaray magaalada Laascaanood.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Ismaaciil Cabdilaahi

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net