Xukuumadda Somaliland oo hoggaamiyaha Eritariya ugu baaqday inuu Joojiyo Taageerada uu siiyo Kooxaha Xag-jirka ah

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa jawaab kulul ka bixisay hadallo ka soo yeedhay Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Eritrea Issaias Afeworki iyo Yoweri Museveni oo ay ku sheegeen inay si buuxda uga wadashaqaynayaan sidii dib loogu midayn lahaa dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo u warramay Wariye Cabdifataax Mursal, isla markaana wax kaga weydiiyay arrintaas ay shaaca ka qaadeen labadaas Madaxweyne, mawqifka ay Somaliland ka taagan tahay iyo jawaabta ay hadalkooda ka bixinayso, ayaa sheegay inaanay Somaliland wakhtigan himiladeeda ahayn inay la midawdo Soomaaliya, hase ahaatee, waxa uu xusay inay ay diyaar u tahay sidii ay aqoonsi buuxa beesha caalamka uga heli lahayd, kaasoo ay dedaal buuxa ugu jiraan dawladda iyo shicibka Somaliland oo aan rabitaankooda marnaba ka noqon doonin haddii ay boqol sano ku qaadanayso illaa ay ka gaadhayaan in lagu aqoonsado .

“Waannu jecelnahay in Abaaraha Soomaaliya ka jira wax laga qabto oo loo gurmado dadka ku tabaalaysan, isla markaana waxaannu Illaahay uga baryeynaa inuu Abaarta iyo Colaaddaba ka soo jabiyo Shacbiga Soomaaliyeed. Waxaannu ugu baaqaynaa beesha caalamka inay laban-laabto gargaarka ay u fidinayso dadka jilicsan ee Soomaaliya. Hase ahaatee, hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Madaxweynayaasha Eritrea iyo Uganda waxaannu u aragnaa mid aan macno badan ku fadhiyin. 20 sano Somaliland waxay ahayd dal madax-bannaan oo aan Soomaaliya waxba la wadaagin oo Somaliland la yidhaahdo oo dawladnimo, dimuquraaddiyad iyo degganaashaba ka jiraan duniduna way ogtahay. Sidaa daraaddeed,  waxa habboon Madaxweynaha Eritrea inay ka shaqayso dawladdiisu sidii Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa, inta ay ku mashquulsan tahay dawladdiisu taageerada kooxaha xag-jirka ah iyo argagixisada nabadgalyada Mandaqadda Geeska Afrika khalkhalka ku haya ee uu waagii beryaba qaar hubaynayo, waxaannu u soo jeedin lahayn inuunu isku mashquulin arrin aan maanta wax ka taagani jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaannu u sheegaynaa Somaliland inaanay xiise u qabin midaw ay la samayso Soomaaliya, hore ayey ula midawday Soomaaliya way ka wayday wixii ay ka doonaysay, isla markaana soddon sano ka dib ayey shacabkedu kala noqdeen madax-bannaanidooda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Wada shaqaynta caalamka iyo Somaliland ka dhexeeyaa wakhtigan meel fiican ayuu marayaa, marba marka ka dambaysa aqoonsigeeduna wuu ka soo dhawaanayaa, waxaana jira waddammo badan oo ay Somaliland xidhiidh dhaw oo saaxiibtinimo la leedahay oo kala shaqaynaya sidii ay dunida uga mid noqon lahayd. Markaa, Somaliland maanta waxay higsanaynaa hammigeeduna yahay inay beesha caalamka ka mid noqoto oo ay si dhakhso ah uga hesho aqoonsi buuxa, maaha mid maanta midaw iyo ku noqosho Soomaaliyeed hadafkeedu yahay, markaa waxaan u soo jeedin lahaa Madaxweynayaashaa inaanay dib u midaw Soomaaliyeed wakhti kaga lumin ee ay ka shaqeeyaan sidii ay Soomaaliya xasillooni uga abuuri lahaayeen. Sidaa daraaddeed, waxa kale oo aan u soo jeedinayaa inay ixtiraamaan rabitaanka shacabka Somaliland oo dawladdooduna kula shaqaynayso.”

“Dawladda Somaliland waxay leedahay saaxiibbo badan oo cid walba leh Afrika, Yurub, Maraykan iyo Aasia-ba, waxaana Somaliland muddooyinkii dame u suuragalay xidhiidho badan iyo soo dhawayn ku saabsan qaddiyaddeeda gooni-isu-taagga iyo aqoonsi raadinteeda oo ay dalal badan oo dunida ahi soo dhaweeyeen. Waxaannu ugu baaqaynaa waddamadaasi inay mar walba ixtiraamaan Qarannimada, dawladnimada iyo jiritaanka Somaliland.” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar.

S: Wasiir Dawladda Uganda, waxa ay ka mid tahay kuwa hadda ugu macquulsan ee Afrikaanka wax laga weydiiyo, markaa ma jiraa wax xidhiidh ah ama wadahadal aqoonsiga Somaliland ku saabsan oo aad la yeelataeen iyo sidoo kale dalalka Koonfur Afrika iyo Tansania oo iyaguna sheegay inaanay soo dhawaynaynin inay Somaliland aqoonsi ka hesho caalamka?

J: Dawladaha Afrikaanku marka aan la kala soocin way ka dharagsan yihiin barnaamijka qaddiyadda Somaliland, nabadgalyada, xasilloonida iyo dimuquraaddiyadda ka hirgeshay, waxaana jira farriin ay Somaliland ku muujinayso qaddiyaddeeda inay ictiraaf hesho, gooni-isu-taaggeeda iyo rabitaanka shacabkeeda, markaa Uganda waxa ay ka mid tahay dawladaha ay farriimahaasi gaadheen. Arrinta Somaliand-na arrin cidna ka qarsoon maaha Caalamka oo dhan way ogyihiin, waxaana jira waddammo badan oo Afrikaan ah oo arrintan aad u soo dhawaynaya, isla markaana nagala shaqaynaya sidii Caalamka ay Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd, waana waxaynu xaq u leenahay Mawqifyo kala duwan ayey ka qaadanayaan arrinta Somaliland caalamku, waxaanannu rejeynaynaa Insha Allaah si dhakhso ah inaynu guul weyn u gaadhi doonno.

S: Muddadii ay Xukuumadda aad ka tirsan tahay jirtay ma jiraa wax xidhiidh ah oo idin dhexmaray dawladda Eriteria oo aad hore jawaabo kulul iyo eedaymo isu waydaarsateen?

J: Maya! Xidhiidh toos ah oo na dhexmaray dawladda Eritrea ma jiro, waayo? Waxay hormuud u ahayd ama taageri jirtay, kooxo nabad-diid ah oo nabadgalyada geyska khalkhal-geliya, waxay hormuud u ahayd oo ay taageeri jirtay oo dalkeeda ka yimi Kooxo hubaysan oo Somaliland Xeebeheeda qarsoodi damcay inay ku maraan oo la ogaaday, markaa ma jiro xidhiidh lala yeelan karo dawlad noocaas ah oo Jabhadaha mandaqadda nabadgalyo-darrada ka wada la shaqaysa.

S: Madaxweynaha Eritrea waxa uu ka mid ahaa Madaxweynayaashii Madaxweynaha Somaliland kulanka kula yeeshay Jubba, markaa wax arrimahaa ku saabsan oo ay isla soo qadeen ma jirtay?

J: Waa run oo Madaxweynaha Eritrea waxa uu ka mid ahaa Madaxweynayaashii ka soo qaybgalay Xafladdii lagaga dhawaaqay Koonfurta Sudan ee Jubba, markaa waxay kulankaas Madaxweynayaasha oo dhawr ahaa kaga wadahadleen  nabadgalyada geeska. Laakiin, kulan qorshaysan muu ahayn oo labada Madaxweyne u gaari ma jirin  oo arrimo waaweyn lagaga wadahadlay ma jirin, Xafladdana Madax badan oo dunida ka kala socday iyo kuwa Afrikaankaba waa lagu macsuumay oo cidi isma haleelaynin.

S: Laakiin, Wasiir arrintaa Eritrea lagu eedeeyn jiray waxba kama jiraan ayuu ku tilmaamay Madaxweynaha dalkaasi, Madaxweynaha Uganda ee uu martida u ahaana wuu soo dhaweeyey, markaa taasi siday kuula muuqata inay caalamka u soo jiidan karto?

J: Waannu soo dhawaynaynaa haddii Eritrea ay joojiso la shaqaynta kooxaha nabaddiidka ah ee Geeska afrika waa arrin fiican, laakiin cunaqabatayn Qaramada Madiibay ku soo rogtay oo dhinaca hubka ah , taasoo ka dhalatay faragelinta iyo wada shaqaynta ay la leedahay kooxa argagixisada, nabaddiidka iyo seeflaboodka ah ee mandaqadda, welina cunaqabatayntaana lagama qaadin, markaa haddii ay maanta sheegtay inay joojisay Eritrea waannu soo dhawaynaynaa.

Xigasho: Ogaal