Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Sidee ayay Mudnaanta u kala siisay Horumarinta Madaarrada dalka?

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa tafaasiil ka bixisay sida ay ugu kala mudan yihiin horumarinta iyo casriyeynta ay ku wadaan madaarrada dalka oo qaar ka mid ah wakhtigan ay ku socdaan dib-u-dhis iyo ballaadhin maaliyadda ku baxaysa ay bixiyeen waddamada Somaliland ka caawiya dhinaca horumarinta adeegyada Bulshada.

Maxamuud-Xaashi1Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta Xadhigga ka jarayey mashaariic laga hirgeliyey qaybo ka mid ah madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa sheegay inaanay jirin sabab ay u kala xigtaysanayaan casriyeynta madaarrada dalka balse ay jiraan asbaabo kallifaya in la kala horreysiiyo dib-u-diska madaarrada dalka maadaama aanay Somaliland haysan dhaqaale ku filan dib-u-dhiska dhammaan garoomada diyaaradaha ee gobollada dalka.

Wasiirka oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Garoomada Somaliland anaga waa isku kaayo mid, aniga ayaana u wada Wasiir ah, madaxweynaha uga wakiil ah, gobalaysi iyo kala dhawaysi midna ma jiro, laakiin siyaasad iyo istaraatijiyad aan madaxweynaha kala tashaday ayaanu ku kala horumarinnaa dhismahooda, waayo ma lihin awood dhaqaale oo aynu mar ku wada dhisno. Way fiicnaan lahayn inaynu madaaradeena mar wada dhisnaa, mar haddii dhaqaalaheenii xaddidan yahay waxa lays waydiinayaa, keebaa mudan? Waxa mudan madaarka caasimadda, waana  inuu noqdo garoon qiimo leh, oo adduunka aynu kala xidhiidhno oo laynoo soo maro, anaga oo aan madaarka Hargeysa dhisin kuwo kale ma dhisi karno. Madaarka Berbera waa madaar meel kula yaala marsadeenna caalamiga ah, waa mid sare u qaadanaya ganacsigeena waa Garoon sibidh ah International ah, wax caalami ahna isaga ayeynu leenahay, kan Hargeysa hada ayeynu la hiigsanahaynaa.”

Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Madaarka muhiimadda saddexaad noo lihi waa ka Burco, isagana muhiimaddiisu maaha Wasiirka ayaa Burco ka soo jeeda iyo Burco ayaa wax kale kaga duwan; waa garoon ku yaala halka sayladdii Xoolaha ee Geeska Afkira ugu weyni ay ku taalo, waxaanu ugu talo galnay inuu gobolad Bari oo dhan kabo, waxaanu leenahay bulshada Somaliland waxaynu nahay qaran aan wali la aqoonsan, markaas waa inaynu maalinba madaar dhisnaa oo qorshe yeelnaa, waxaan arintaa u xusayaa waxa laga yaabaa in dad muwaadiniin ahi ay wakhtiyada qaar khalad ka fahmaan marka aynu ka hadlayno arrinta dhismaha Madaaradda,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET