Xukuumadda oo Kulan Nabad-gelyada lagu Xoojinayo La Qaadatay Imaamyada Masaajiddada Caasimadda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil (Saylici) oo ay Weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur iyo Maamulka Gobolka Maroodi jeex ayaa maanta kulan kula yeeshay in ka badan Boqol xubnood oo ka mid ah Imaamyada Masaajidada Caasimada Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha .

Ujeedada kulankan ayaa salka ku hayay adkaynta nabadgalyada maalinta doorashada golahayaasha deegaanka ee ku beegan berri oo Arbaco ah.

Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka waramay qiimaha ay nabadgalyadu qarankan ugu fadhido iyo doorka ay ku leeyihiin Imaamyadu ,waxaanu sheegay in loo baahan yahay sidii bulshada  loogu guubaabin lahaa in doorashadu inoogu dhacdo hab nabadgalyo ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa u mahadceliyay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo kulankaas soo qaban qaabisay,waxaanu sheegay in Culimada iyo Gudida Wanaag farista iyo Xumaan reebista looga fadhiyo sidii ay Shacabka ku baraarujiyaan in doorashadu aanay waxyeelo ku noqon nabadgalyada aynu haysano, Waxa uu Wasiirku intaas ku daray in afar doorasho oo hore ay dalka ka hirgaleen kuna rajo weyn yihiin inay tanina la mid noqoto kuwii hore Isla markaana ay Qarankan u horseedo Guul.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Duur waxa uu cadeeyay in saacadu markay ahayd afartii galabnimo ay si rasmi ah u xidheen Guud ahaan Xuduudaha Somaliland,maadaama dadku u dareerayaan codbixinta doorashada golayaasha deegaanka.

Somalilandpost.net/Hargeysa